Garsooraha dhexdhexaadin doona kulanka adag ee Italy iyo Spain ee Euro 2016 habeenka isniinta waa garsooraha Turkiga Cuneyt Cakir.
Kulankaan oo ka tirsan wareega 16ka ayaa lagu ciyaari doonaa Stade de France ee magaalada Paris saacada geeska Afrika marka ay tahay 7.00,da fiidnimo maalinta isniinta.
39 jirkaan ayaa garsoore ka soo noqday kulamo badan oo waa weyn oo ay ku jirto finalkii Champions League ee ay Barcelona ka qaaday Juventus sannadii 2015.
Sannadii 2013 waxa uu bixiyay kaar casaan ah oo muran badan dhaliyay oo uu siiyay xiddigii waqtigaas u ciyaarayay Man United Nani kulan Champions League ah oo ay la ciyaarayeen Real Madrid.
Cakir waxaa caawiyayaal u ah Bahattin Duran iyo Tarik Ongun.
Caawiyayaasha dheeriga ah ee goolka gadaashiisa waa Huseyin Gocek iyo Baris Simsek.
Garsooraha afaraad waa garsooraha Ingariiska Martin Atkinson.
Kayse Muse Ali
Puntlandpost
Garowe