Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay degaanka xidh-galool oo aan sidaa uga fogayn degaanka Dharkayn-geenyo ee Gobalka Sool, dagaalkan oo u dhexeeya labba Beelood oo walaalo ah oo degaankaas wada dega ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Si dhaba looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalka halkaas ka dhacay oo daba jooga, dagaal beeleed soo noq-noqday oo marar kala duwan ka dhacay degaankaas, waxaana dagaalkii ugu danbeeyey ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 15 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, uuna sababay barakac baahasan.
Waayadii danbaba waxaa socdey dadaalo nabadeed oo ay wadeen wax garadka Gobalada Sool,Sanaag iyo Cayn iyo weliba indheer garad kale oo kasoo jeeda Gobalada la deriska Gobaladaas, waxaase muuqata in colaad beeleedkii halkaas ka dhacday inay mar kale soo cusboonaatay, iyadoo ciidamaduna ay weli is hor fadhiyaan.
Waxaa so baxaaya baaqyo nabadeed oo loo jeedinaayo Beelahan wada dhashay inay joojiyaan xabada, xurgufta jirtana ku dhameeyaan wada hadal nabadeed.
Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali ayaa horay u sheegay inay Puntland door muuqda ka qaadan doonto soo afjarida collaad beeleedka halkaas ka jirta, mase muuqato haba yaraate door ay Puntland ku darsatay sidii loo baajin lahaa dhiig degaankaas ku daata.
PUNTLAND POST