Muqdisho(Puntland Post)-Ciidamada Amaanka Dawlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo afjaray weerarkii raga hubaysan oo katirsan kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Hay’adda nabad sugida qaranka ee NISSA.
Si dhaba looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaase goobta uu weerarku ka dhacay laga daad gureeyey xildhibaano katirsan Baarlamaanka Dalka oo Hotelka deganaa.
Wararka ayaa intaa ku daraaya in ilaalada Hotelka Naasa Hablood ay ku guulaysteen inaysan kooxdani u gudbin gudaha shishe Hotelka, ayna ku godoomiyeen irida hore.
Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan, waxayna sheegeen inay halkaas ku bartilmaameed sadeen waxay ugu yeereen jawaasiis iyo saraakiil katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya, lagumase sheegin qoraalka kasoo baxay Al-shabaab khasaaraha ay halkaas ka geysteen, walow ay sheegashadoodan ay xili hore ahayd.
Ma jiro Hotel ku yaal wadada Maka Al-mukarama oo ka badbaaday weerarada is xig-xiga ee ay kooxda Al-shabaab ku beegsato Hotelada iyo goobaha lagu kulmo ee ku yaal Magaalada Muqdisho, dhawaan ayey ahayd markii weerar ka dhacay Hotelka Ambassador ay ku dhinteen dad kor u dhaafaaya 15 qof.
Hotelka Naasa hablood ee caawa la weeraray ayaa ku yaal isgoyska KMG4 wadada Maka Al-mukarama.
PUNTLAND POST