Ururka Idaacaddaha Somalia oo Garowe ku qabtay shir looga hadlayo wararka lacagta lagu badasho

Garowe(Puntland Post) Ururka ay ku midaysan yihiin qaar ka mid ah idaacaddaha Soomaaliya ee Soma ayaa magalada Garowe ku qabtay shir ku saabsan saameynta uu warbaahinta iyo shacabka ku yeeshay wararka lacagta lagu badasho ee loo yaqaan Sharuur ama Qabax.

Shirka oo hal maalin soconayay ayaa waxaa lagu marti qaaday xubno ka socda dowladda Puntland, Jaamacaddaha Garowe,bulshada rayidka iyo qaybaha kala duwan ee wariyaasha ka howl gala deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha ururka idaacaddaha Soomaaliya ee Soma Mudane Maxamed Cabdilaahi Cali Kooshin iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa furitaanka shirka ka jeediyay khudbado kala duwan waxayna tilmaam iyo faah faahin ka baxsheen ula jeedka shirkan loogu qabtay Garowe iyagoona ku tilmaamay inay tahay muhiimadiisa sidii loo ogaan lahaa fahanka ay wariyaasha iyo qaybaha kala bulshada ka haystaan saamaynta lacagta wararka lagu badasho ku yeelatay helitaanka xogta rasmiga ah ee loo baahan yahay in la ogaado.

Wariyaasha iyo aqoon yahanka shirkan ka qayb galay ayaa saacado badan ka dooday lacagta Sharuurka waxay isla qireen inay tahay wax dambi ku ah wariyaasha inay lacag ku xiraan warka kaasoo dadku ay u baahan yihiin inay helaan isagoo barax tiran, sidoo kale lacagta warka lagu xiro ee sharuurka loo yaqaan ay sheegeen inay la kow satay bur burkii dalka ka dhacay iyo aqoon darida haysta inta badan dadka saxaafada Soomaaliya ka mid noqonaya.

Burhaan Axmed Daahir oo waayo arag saxaafadeed ah iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar ”Surcad” ayaa sheegay muhiimadu inay tahay in aan wax lacag ah lagu xirin warka oo si kasta ay noqoto dadka loosoo bandhigo xaalada dalka iyo xalka looga bixiyo karo sidaasi si la mid ah wariyaashii dooda ka qayb galay ayaa dhankooda qiray inaysan habooneyn in warka lacag lagu xiro balse ay tahay in lacag laga qaado barnaamijyada gaarka ah ee dhaqaalaha lagu baxsho iyo xayaysiiy-yada.

Saleebaan Siciid Nuur oo ka socday wasaradda warfaafinta Puntland ayaa soo dhaweeyay shirkan ay soo qaban qaabisey ururka Soma, wuxuu sheegay inay muhiim tahay in shirar iyo tababaro noocaan oo kale ah wariyaasha loo qabto si wax badan oo qaldan u saxmaan, waxa kale uu wariyaasha kula taliyay inay is-diiwaan galiyaan si loo ogaado qof kasta aqoontiisa heerka ay gaar siisan tahay.

Ururka idaacaddaha Soma ayaa horay tababar noocaan oo kale ah ugu soo qabtey magalada Muqdisho, kaasoo wariyaashii ka qayb galay ay isla qireen inuu yahay shirka noocaan oo kale ah kuwa loo baahan yahay ee wax walbana ku saxmayaan, waxaana qabsoomidiisa Soma ka caawisay Hay’addaha FREE PRES iyo MEDIA INK.
0J1A6791

0J1A6803

0J1A6804

0J1A6811

0J1A6821

0J1A6856

0J1A6865

0J1A6869

0J1A6889

IMG_0020

IMG_0026

IMG_0029

IMG_0037

IMG_9810

IMG_9816

IMG_9828

IMG_9830

IMG_9835

IMG_9858

IMG_9860

IMG_9864

IMG_9879

IMG_9885

IMG_9902

IMG_9909

IMG_9918

IMG_9922

IMG_9938
PUNTLAND POST