Puntland oo hawada ka saartay Radio Daljir iyo mamulka idaacadaasi oo ka hadlay

0J1A6766
Garowe(Puntland Post) Ciidanka ammaanka Puntland ayaa Maqribkii shalay hawada ka saaray idaacadda Daljir oo xarumo faro badan ku leh deegaanada Puntland, ka dib markii warqad amar ah uu soo saaray Taliye ku xigeenka Booliska ahna ku simaha Taliyaha K/S.Cabdiqaadir Faarax Arag.

Amarka Taliyaha ee lagu xiray Idaacadda Daljir ayaan lagu cadeyn sababta keentay, in kastoo idaacadaasi ay maalmihii ugu danbeeyay waraysiyo kala duwan ka qaatay gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan isla markasna dowladdu ay dhibsatay sheegitaanka Gallan.

Mamulka Idaacadda Daljir ayaa falkaasi wax laga xumaado ku tilmaamay, maadama ay ka hor imaanayso xoriyada hadalka waddankuna uu lee yahay sharci iyo nidaam hagaagsan.

Wariye ka tirsan Radio Daljir xarunta Garowe ayaa ii sheegay in gudaha ay usoo galeen ciidan isla markasna ku amreen in idaacadaha hawada laga saaro, ilaa iyo haddana ma jirto war rasmi ah oo ay dowladdu ku sheegtay sababta idaacadaasi hawada uga saartey.

Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilii wariyaasha iyo ururka MAP ay shalay qabteen shir jaraa’id isla markasna ay kaga hadleen hanjabaad kulul oo kasoo baxay wasiirka warfaafinta taasoo uu ku sheegay inuu wariyaasha laynayo.

unnamed

PUNTLAND POST