Gareth Bale Oo La Sheegay inuu Yahay Xiddigii Ugu Fiicnaa Wareega Group-yada Ee Tartanka Euro 2016.

Halyeeyga Wales Gareth Bale ayaa loogu codeeyay xiddiga ugu fiican tartanka Euro 2016 wareegiisa group-yada sida ay ugu codeeyeen akhristayaasha shabakada caalamiga ee Goal.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Real Madrid ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee shabaqa soo taabtay seddexda kulan ee wareega group-yada isagoo kooxdiisa u soo saaray wareega 16ka. Waxaana uu dhaliyay laadad xor ah kulankii ay ka badiyeen Slovakia iyo kulankii ay guuldarada ka soo gaartay England, waxa uu sidoo kale shabaqa soo taabtay kulankii ay Wales 3-0 kaga badiyeen xulka Russia.

Bale ayaa helay boqolkiiba 27 codadkii akhristayaasha Goal isagoo si aad ah uga horeeyay ninka ku soo xiga Michal Pazdan oo helay boqolkiiba 21. Daafaca reer Poland ayaa ka caawiyay xulkiisa inaan weli shabaqa laga soo taabanin tartankaan.

Geesiga xulka France ee kulankii furitaanka Dimitri Payet ayaa sidoo kale helay boqolkiiba 21 codadkii la dhiibtay, isagoo shabaqa ka soo taabtay Romania iyo Albania ee kulamadii Group A.

Ciyaaryahanka kale ee kaliya codad fiican helay waa xiddiga reer Spain Andres Iniesta kaasoo boqolkiiba 12 helay codadkii la dhiibtay isagoo qaab ciyaareedyo xiddiga garoonka ah soo bandhigay kulamadii Czech Republic iyo Turkey.

Kayse Muse Ali

Puntlandpost

Garoowe