Wariyaasha Puntland oo ka hadlay hanjabaad kasoo baxday wasiirka warfaafinta

Garowe(Puntland Post) Ururka suxufiyiinta Puntland MAP iyo qaar ka mid ah wariyaasha ku sugan magalada Garowe ayaa ka hadlay hanjaabada kasoo baxday maanta wasiirka warfaafinta Maxamuud Xassan Soocade taasoo si toos ah uga socota wariyaasha madaxa banaan.

Qoraal kasoo baxay MAP ayaa lagu sheegay wasiirka warfaafinta inuu si bareer ah ugu hanjabay wariyaasha Puntland tilaabadaasina aysan ahayn mid sharci ah.

”wasiirku si bareer ah ayuu xilliga uu hanjabayay waxa uu ku sheegat in Puntland aysan ka jirin wax dastuur ah iyo sharci isa markaasna ay dowladdu dilayso wariyeyaasha isagoo intaas ku daray inaysan jirin Dastuur ay dowladdu eegayso taas bedelkeedana ay adeegsanayso dowladdu hub iyo ciidan” qoraalka MAP kasoo baxay ayaa sidaasi lagu yiri.

Burhaan Axmed Daahir oo madax kasoo noqday MAP iyo NUSOJ ayaa sheegay inay naxdin tahay in wasiirka warfaafinta ku goodiyo inuu xabad u addeegsanayo wariyaasha, wuxuuna saxaafadda ugu baaqay inay is ilaaliyaan maadama wasiirku ku hanjabay inuu laynayo saxaafadda.

Agaasimaha guud ee Radio Daljir Axmed Shiikh Maxamed Tolman ayaa sheegay inay hubin u baahan tahay cida dishay wariyaashii, wax kale uu sheegay wariyaasha inay taxadar muujiyaan.

Cabdiqani Cabdilaahi Irbad ayaa sheegay wixii soo gaaraya wariyaasha in loo raaxayo wasiirka warfaafinta Puntland.
Hadalka kasoo baxay wariyaasha iyo ururka MAP ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka warfaafinta Puntland uu shalay soo saaray qoraal uu ku cadaynayo in warbaahinta ka howl gasha Puntland waraysiyo la yeelan karin dad uu ku tilmaamay inay Nabad-diid yihiin isla markasna xiriir la lee yihiin Daacish iyo Burcad badeed.

 

0J1A6776

0J1A6702

0J1A6715

0J1A6723

0J1A6729

0J1A6737

0J1A6743

0J1A6762

0J1A6766

0J1A6771
PUNTLAND POST