Ururka suxufiyiinta Somaliya oo Canbaareeyay go’aanka wasarada warfaafinta Puntland

0J1A2732Muqdisho(Puntland Post) Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii shalay kasoo baxay wasaradda warfaafinta Puntland ee lagu caburinayo warbaahinta madaxa banaan.

Gudoomiyaha NUSOJ Maahir Jaamac Aadan ayaa sheegay arrintaasi inay tahay mid lagu dhibaateynayo saxaafada madaxa banaan isla markasna uusan waafaqsanayn sharuucda Puntland iyo tan warbaahinta, wuxuuna ku tilmaamay afduub.

”Go’aanka wasaraddu waa mid aan loo eegin sharciga iyo xeerarka dowladda Puntland iyo kan saxaafadda,wana go’aano afduub ah oo lagu dulminayo madaxbanaanida saxaafada xorta ah”.

Maahir Jaamac ayaa ugu baaqay wasaradda warfaafinta inay go’aamada ay soo saarayso ku salayso xeerarka degsan ee waddanka ka jira.

”Waxaan ugu baaqaynaa wasaradda warfaafinta Puntland iney go’aanada iyo qodobada soo baxaya u eegto sharciga ama dastuurka dalka ama kan dowlada Puntland, waana mid aan gabi ahaanba kasoo horjeedno”.

Sidoo kale go’aanka wasaradda warfaafinta Puntland waxaa ka hor yimi ururka ay ku midaysan yihiin inta badan idaacaddaha Soomaaliya kaasoo magaciisa loosoo gaabiyo Soma.

Ma jirto ilaa iyo hadda war kaso baxay ururka suxufiyiinta Puntland ee MAP.

PUNTLAND POST