Baydhabo(Puntland Post)-Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran Uu hogaaminayo ayaa goordhawady gaaray Magaalada baaydhabo ee Xarunta Gobalka Baay.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkaas ku soo dhaweeye Madaxweynaha Koonfur galbeed soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo qaar kamida golahiisa wasiirada.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Halkaa lagu wadaa in uu ka Furo shirka Madasha wada Tashiga qaran oo ay madaxda Soomaalidu uga Arin saneyso hananka Dorashada Sanadkan lagu wado in soomaaliya ka dhacdo
Sido kale Baaydhabo waxa gaaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland axmed maxamed islaam axmed madoobe.
Waxaa iyana Baaydhabo lagu wadaa in ay gaaraan Madaxweynayaasha puntland iyo Galmudug.
Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warbaahinta Puntland post u xaqiijiye In shirka uu Furmi Doono Galabta.
Shirka madasha wadatashiga qaran ee galabta Baydhabo ka Furmaya ayaa noqonaya Kii ugu Danbeeye ee Madaxdu uga Arin saneyso Dorashada Dalka.
PUNTLAND POST