Carmo(Puntland Post)-Wax garadka Puntland ayaa isku taagay sidii loo dhamayn lahaa khilaaf u dhaxeeya Dawlada Puntland iyo Gudoomiyihii hore ee Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo waayadii danbaba falaago hubaysan ka abuuraayey degaano katirsan Gobalka Bari, shalayna soo gaaray Degmada Carmo oo ku taal Wadada laamiga.
Sheekh Axmed Daad oo kamida culimada ugu waaweyn ee Puntland oo ku sugan degmada Carmo ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ka jirin halkaas, ayna Carmo tahay magaalo aad u degan, uusana ka jirin wax abaabul dagaala.
Mid kamida nabadoonadanada degmada Carmo ayaa isna sheegay in la buubuniyey xaalada degaanka ka jirta, uusana wax dagaala wadin Cabdisamad Maxamed Gallan oo halkaas soo gaaray uuna diyaar u yahay in is afgaran waaga jira wada hadal nabadeed lagu xaliyo.
Wax garadkan gaaray degmada Carmo oo iskugu jira culimo iyo nadoono ayaa ka codsaday Dadweynaha iyo Dawlada Puntland in laga wada shaqeeyo adkayn nabad galyada ay Puntland ku caana maasho.
Wararka ka imaanaya degmada Carmo ayaa sheegaya inay halkaas dib uga baxeen ciidamadii uu watey Cabdisamad Maxamed Gallan ayna gaareen beeraha loo yaqaan Borookhle oo bariga ka xiga degmada Carmo.
Golaha Wasiirada iyo Ciidaada Dawlada ayaa xalay aqalka madaxtooyada ee Garowe ku yeeshay shir aysan saxaafadu goob joog ka ahayn, waxayna wararku sheegayaan in arimaha Cabdisamad Maxamed Gallan lagu faaqiday, shirkaas waxaa gudoomiyey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali.
Isku soo wada duubo Dadka reer Puntland ayaa aaminsan in xaaladan lagu dhamayn doono tanaasul iyo wada hadal nabadeed sidii horayba Puntland caanka uga ahayd.
PUNTLAND POST