Wasarada warfaafinta Puntland oo amar adag kusoo rogtey warbaahinta Puntland ka howl gasha

22Garowe(Puntland Post) wasaradda warfaafinta Puntland ayaa maanta soo saartey qoraal ay warbaahinta ka howl gasha Deegaanada Puntland kaga mamnuucayso inaan waraysi laga qaadi karin dad ay ku sheegeen iney xiriir la lee yihiin kooxaha Daacish iyo Burcad badeed.

Qoraalka wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde soo saaray ayaa si caro leh loogu sheegay warbaahintii dadkaasi hadalka laga mamnuucay waraysta ay tilaabo adag la kulmi doonto, qoraalka naga soo gaaray xafiiskiisa ayaa u dhignaa sida tan.

Waxaa jirta in beryahan dambe ay saxafadda qaarkeed caado ka dhigteen inay si bareer ah u tebayaan barnaamijyo warar ama qoraalo aan run ahayn,kuwaasoo waxyeelo ku ah wadajirka shacabka walaalaha ah ee Puntland.

Waxa kale oo waayadan dambe, qaar ka tirsan warbaahintu waraysiyo ka qaadaan shaqsiyaad nabad-diid ah oo xiriir la leh kooxaha argagaxisada ah sida, Daacish iyo Burcad badeed iyadoo ujeedadu tahay in mar kale dib loo soo abaabulo dagaalkii ay kooxahaasi horay ugu jabeen ee ay la galeen ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaasoo taageero ka helayay shacabkooda difaacayna dalkooda iyo dowladnimadooda sidii awalba lagu yaqaanay.

Sidaas darteed, waxaa dhammaan warbaahinta ka howl-gasha Puntland lala socod siinayaa cid allaale iyo ciddii baahisa muuqaal,cod,qoraal iyo sawir ka turjumaya arrimaha aan kor kusoo sheegnay ama waraysi ka qaadda shaqsiyaad ku hawllan daadinta dhiigga shacabka reer Puntland iyadoo ujeedadoodu tahay iska hor keenka dadka Puntland loona qaybiyo hab-qabiil si ay u fuliyaan danahooda gurracan ee argagaxisda, in laga qaadi doono tillaabo sharciga waafaqsan lana horgeyn doona caddaalada.

Ugu danbeyntii warbaahintii aan u dhago nuglaan amarkan waxaa hubaal ah in aanay dib uga howl gali doonin deegaanada Puntland.

Qoraalkan oo kasoo baxay maanta xafiiska wasiirka warfaafinta Puntland ayaa kusoo aadaya xilli warbaahinta qaarkood ay si joogta ah usoo gudbiyeen wararka la xiriira gudoomiyihii hore gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo ciidamo lasoo galay degmada Carmo ee gobalka Bari isagoona sheegay inuu Puntland bad baadinayo.

PUNTLAND POST