Marwada madaxweynaha Puntland oo Garowe ku daahfurtay machad daraasad ku sameynaya dhibaatooyinka Tiiraanyada laga dhaxlay

Garowe(Puntland Post)-Marwada madaxweynaha dowladda Puntland Pro: Hodan Siciid Ciise ayaa maanta magaalada Garowe ee xarunta dowladda Puntlandku daahfurtay xarun cilmi baariseed oo daraasad ku sameyndoonta dhibaatada laga dhaxlo Tiiraanyada

Xaflad lagu daahfurayay rugtaan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda PSU, ayaa waxaa kasoo qeyb galay wasiiro katirsan xukuumada Puntland, ururada bulshada, maamulka jaamacadda PSU, aqoonyahano iyo dad weyne kale.

Marwada madaxwynaha ayaa sheegtay cilmi baaristaan inay ku salaysnaandoonto Tiiraanyada bulshada haysata ee ka timid, qaxa colaadaha, Kufsiga, gabdhaha sida xun loo guday, musiibada tahriibka, dagaalada xaq darrada ah iyo cadaalad darrada, kuwaas oo saamayn ku yeeshay dad badan oo bulshada kamid ah.

Pro: Hodan Ciise waxay sheegtay ujeedada ay rugtaan u fureen inay tahay, sidii xal loogu raadin lahaa Tiiraanyada bulshada haysata, iyadoo loo eegayo sida ay ku timid, halka ay ku socoto iyo sida loo xalin karo, waxayna intaas ku dartay xarunta cilmi baaristaan inay ahaandoonto Jaamacadda PSU, balse ay faa’idaysandoonaan dhammaan arayda jaamacaddaha.

Fowsiyo Cabduqaadir oo qeyb ka ah rugtaan ayaa sheegtay in ay cilmi baaristaan ku saleynaandoonto baaritaan miisaaman oo aan caadifad lahayn islamarkaana ka madax bannaan wax la iska yiri. Waxay sidoo kale sheegtay cilmi baaristaan inay ahaandoonto mid la iska kaashado dowlad iyo dadka daraasada sameynaya.

Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Maxamuud Sheikh Xaamud oo jaamacaddiisu ay marti gelinayso rugtaan cilmi baariseed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay barnaamijkaan, isagoo ku ammaanay marwada madaxweynaha iyo fowsiyo Cabdulqaadir hergelinta cilmi baaistaan ay ka faa’idaysandoonaan ardayda jaamacaddaha Puntland.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Abshir Yuuusuf Ciise ayaa sheegay inuu aaminsan yahay Tiiraanyadu inay tahay mashaakiil weyn oo maanta haysta in badan oo kamid ah ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhoweeyay in la sameeyo xarun cilmi baaris ku sameysa Tiiraanyada, si daawadeeda loo helo.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay mustaqbalka dhow inay doonayaan in jaamacadduhu ku tartamaaan cilmi baarista iyo hal-abuurka, wuxuuna intaas ku daray xaruntaan cusub inay muhiim u tahay hirgelinta qorshahahooda

Daawo Sawiradda.

_DSC6122

_DSC6125

_DSC6140

_DSC6142

_DSC6132

_DSC6129

_DSC6144

_DSC6145

_DSC6151

_DSC6150

_DSC6155

_DSC6154

_DSC6159

_DSC6160

_DSC6164

_DSC6178

_DSC6166

_DSC6181

_DSC6182

_DSC6180

_DSC6188

Puntland Post