NOSUJ oo wax laga xumaado ku tilmaamtay wariyaal DDSI ku xirtay Wajaale

Muqdisho(Puntland Post) Ururka Qaranka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, waxaa uu talaabo sharci daro ah ku tilmaamayaa xadhiga wariyaal Soomaaliyeed loogu gaystay degaanka Wajaale ee xuduuda dawladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, wuxuuna ururku xad-gudub weyn ku tilmaamayaa in wariyaal loogu yeeray shir-jaraa’id laga qaado xoriyadooda ayadoo loo adeegsanayo awood ciidan oo dawli ah.

Ururku waxaa uu ka walaacsanyahay xaaladda Wariye Mukhtaar Nuur Ibraahim oo haatan ku haray gacanta Ciidamada Dowlad Degeeanka Soomaalida Ethiopia ( DDSI), wariyahan oo ka howlgala Tv-ga Horncable ayay ciidamada ethiopia si gaar ah u beegsadeen xadhigiisa ka dib markii ay soo daayeen dhamaan wariyaashii kale ee la socday ee looga wada yeeray degaanka Wajaale.

Sida ururada Saxaafadda Somaliland ay xaqiijiyeen waxaa uu Wariye Mukhtaar Nuur Ibraahim wali ku jiraa gacanta ciidamada Ethiopia, waxayna xidhiidho ay Nusoj la sameysay dhinacyo kala duwan ku ogaatay in haatan wariyaha lagu hayo meel ka baxsan degaanka Wajaale, lamana garanayo sababta iyo xaaladda dhabta ah ee uu ku suganyahay wariyaha.

Hadaba ururka Nusoj, wuxuu si weyn u cambaaraynayaa xadhiga wariyaha iyo guud ahaan tacadiga bareerka ah ee sida tooska ah loogu gaystay saxaafadda Madaxa banaan ee Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsanayaa Madaxda DDSI iyo guud ahaa dawladda Ethiopia in ay ixtiraamaan sharciga iyo xeerarka Caalamiga ah ee saxaafadeed iyo mida xuquuqda aadanaha, isla markaana ay si sharuud la’aan ah ay xuriyadiisa ugu soo celiyaan wariye Mukhtaar Nuur Ibraahim oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku xadgudubtay dawladda Ethiopia.

Sidoo kale Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo ku magacdheer (Boqorka Bartamaha) ayaa ka mid ah wariyaal Soomaliyeed oo ku xidhan sanado dalka Ethiopia, waxaana wariyahan oo la shaqeynayay tv-ga EBC ee Qaranka Ethiopia lagu xukumay 27-sano oo xadhig ah, lamana garanayo nolol iyo geeri waxa uu ilaa iyo haatan ku suganyahay.

Gudoomiyaha Ururuka Nusoj, Mahir Jaamac Aadam oo ku hadlaya magaca guud ee saaxafadda Soomaaliya wuxuu ka codsanayaa Dawladda Ethiopia in aanay wariyaasha Soomaaliyeed ku qaadin danbiyo aanay galin, ama ku eedeyn falal argagixiso, waxaana Dowladda Soomaaliyeed, Hay’adahaha Xuquuql insaanka iyo kuwa saxaafadeed ee caalamiga ah ka codsanaynaa inay nagala shaqeeyaan difaaca wariyaashan iyo sidii loogu heli lahaa xuquuqahooda iyo xoriyadooda.