Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la shiray xubno ka socda dalalka taageera Soomaaliya

Kulan ballaaran oo dhexmaray guddiga doorashada Puntland iyo xubno kala duwan oo ka socda dalalka taageera Somaliya gaar ahaan dhinaca dawlad wanaagga iyo nidaamka axsaabta badan ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Shirka oo lagu wada xirirayay qalabka la iska arko ee loo adeegsado shirarka, ayaa dhinaca dawladaha reer galbeedka waxaa uga qaybgalay wakiillo ka socday Midowga Yurub, safaaradaha dawladaha USA, Germany, UK, Finlad, hay’adaha ka shaqeeya arrimaha doorashoyinka iyo xubno kale.

Dhinaca kale, waxaa iyana kulankan qayb ka ahaa wakiillo ka socday xafiiska arrimaha siyaasadda ugu qaabbilsan Somaliya ee Puntand, hay’adaha PDRC, Interpeace, PUNSA, wakiilka midowga Yurub ee Puntland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Deeq Sulaymaan.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara labada dhinac, ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa sidii la isu xogwaraysan lahaa islamarkaana guddigu usoo bandhigi lahaayeen tallaabooyinka ay qabteen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland Axmed Maxamed Cali, oo shirkaasi ka jeediyay warbixin dheer ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii uu soo maray guddiga doorashada Puntland laga soo bilaabo markii la dhisay, qorshahooda, hawlaha ugu muhimsan ee waqtigan horyaalla, caqabadaha jira iyo baahiyaha muhiimka ah ee guddiga.

Doodo kala duwan iyo su’aalo ku aaddan sida ugu macquulsan ee loo hirgelin karo mashruuca doorashooyinka Puntland ayaa kulankaas la isku waydaarsaday iyadoo xoogga la saaray caqabadaha iman kara iyo siyaabaha looga badbaadi karo ama looga gaashaaman karo.

Maadaama uu wadahadalkani ahaa kii ugu horeeyay ee dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dawldaha taageera Somaliya, ayaa waxaa lagu ballamay in mustaqbalka dhow lasii wado kulamada islamarkaana la abuuro hannaan wada shaqayn oo dhexmara guddiga doorashada Puntland iyo dalalka maalgeliya arrimaha doorashoyinka Somaliya.
IMG_9570

IMG_9574

IMG_9579

IMG_9584

IMG_9587

IMG_9593

IMG_9603

IMG_9605

IMG_9609

IMG_9612

IMG_9619

IMG_9620

IMG_9626

IMG_9627

IMG_9631

IMG_9634

IMG_9638

IMG_9640

IMG_9641

IMG_9644

IMG_9651

IMG_9663

IMG_9667

IMG_9670

IMG_9672

IMG_9680

IMG_9693

IMG_9702

IMG_9705

IMG_9706

IMG_9708

IMG_9714

IMG_9736

IMG_9738

IMG_9745
PUNTLAND POST