Gallan oo sheegay hubka iyo saanada ciidan inay ka helaan xukumadda Gaas

Bosaso(Puntland Post) Gudoomiyihii hore Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo hadana mucaarad ku ah dowladda madaxwayne Gaas ayaa waraysi uu siiyay Kalsan Tv waxa uu ku sheegay xukumadda Gaas inaysan ku filnayn ammaanka dalka.

Waxa uu sheegay hubka iyo agabka ciidan ee uu haysto inay uga timi qayb ka mid ah xukumadda Gaas, wuxuu carabka ku adkeeyay wasiiradiisa iyo taliyaasha ciidanku inay u keenaan, sidoo kale waxa uu sheegay hubka isagoo ganacsi ah in laga helo magaalooyinka waa weyn ee Puntland.

Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin arrinta Gallan oo hadda si weyn looga hadal hayo deegaanada Puntland.

Ciidamo uu ku tababartey deegaano ka tirsan Gobalka Bari ayuu Gallan lasoo aaday dhanka degmada Carmo ee Gobalkaasi, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaq ciidan oo xagga dowladda ah uu ka socda Gobalka Bari.

PUNTLAND POST