Waaya aragnimadu waxay ku bartaa taariikhda kusoo marta naftaada ama
dalka iyo deegaankaaga ku saabsan , Waxaad murtidan ama sheekadan ka
dhadhamin kartaa akhristoow alle dadka abuuray , isku caqli kama
dhigin ,qof kastaana meel ayuu ku wanaagsan yahay oo alle hibo u
siiyay ,hadii aan in yar idiinka ifiyo ninka dhaqaale abuurka badan
ama lexe-jeclada badan waxaa lagu yaqaanaa inuu siduu u lexe-jeclo
badan yahay uu dhaqaale u abuuri karo ,laakiin ninka aan waxba
dhaqaalaysan kulama tartami karo ninkaas hibadiisa dhaqaalaynta ,
ninka hal abuurka badan ee somalidu abwaanka u taqaano ,nin aan hal
abuure ahayn kulama tartami karo hibadiisa abwaanimo ama mu,alifnimo.
Sidoo kale geesiga boqolka aan ka libiqsani lama uu tartami karo nin
aan geesi ahayn hibadiisa geesinimo ,hadaba qof kastaba alle hibo u
gaar ah ayuu siiyey waxaana haboon inuu hibadiisa uga faa,iideeyo
bulshada si loo helo hogaamiye daacad ah.
Hogaamiye alle ayaa hibo u siiyey hogaaminta waana ninka laga helo
afar waxyaabood oo aan culuunta la barto ahayn ee alle ku manaystay
waxayna kala yihiin:
A-daacadnimo iyo cadaalad
B-dulqaad iyo deeqsinimo
C-hal-adayg iyo hubsiimo
D-murti-maal iyo dadyaqaanimo
Afarta odhaahood oo is xambaarsan ayaad ka dheehan kartaa inta badan
xikmadii alle bani aadamka siiyey inay ku dhan yihiin hogaamiyaha
1- daacadnimo oo soomaaliyi maahmaahyo iyo murti badan kusoo
arooriyaan sida daacadi ma hungowdo ,run sheeg waa daacad iwm ayaad ka
dareemi kartaa daacadu inay aad u wanaagsan tahay
2- cadaalad waa wada og nahay inuu shayga ugu qaalisan hogaanka uu
cadaalada yahay allena uu kaga hadlay qur,aankiisa , hadii marka
cadaalad la waayona waxaa imaan kara dulmi ,musuq maasuq , colaad ,
dhac iyo boob , abwaan soomaaliyedna waatuu hore u yiri dad cadaalad
waayaa sidii cowsha kala yaac .
3-dulqaad waa shay qaali ah oo looga baahan yahay in qof kasta oo
masuuliyad qaada uu u dulqaato wax kasta oo kaga yimaada bulshada uu
hogaanka u yahay soomaalina way ka maah maahday oo waxay tidhi nin
durbaan tuntay ilaaq dalbay iyo nin xil qaaday eed qaad iwm waxaa
kaloo daliil u ah ilaa laga bilaabo ninku markuu guursado oo masuul
ka noqdo qoyskiisa ilaa hogaamiye bulsho-weyn ah , dulqaad la,aan
waxba ma beermaan taageerana ma helo .
4-Deeqsinimo waa shay bulshada aad hogaanka u tahay ay kugu ayidi
karaan ama kugu taageeri karaan ,laakiin hadaad tahay bakhayl waxba
aan bixin waxaaba laga yaabaa inayba xaqoodii waayaan waayo waxaad ku
fekeraysaa wax kasta inaad bakhaysho taasina waxay horseed u tahay
dhaca ,boobka iyo musuq masuqa laakiin deeqsinimadu waxay horseedaa
inaad xaqa dadka iska bixiso halkaana ay ka abuurmaan horumar ,is
jacayl iyo weliba in la wada noolaado.
5-Hal-adaygu waxuu ka dhisaa hogaamiyaha go,aanka intuusan ku
dhawaaqin ayuu aad uga fiirsadaa oo uu rog rogaa la tashi ka sameeyaa
,aad uga fiirsadaa ilayn waa hal adag yahaye laakiin hadiiba uu ku
dhawaaqo kama noqdo waana u muhiim hogaanka.
6-Hubsiimo waa shay looga baahan yahay qof kasta oo masuuliyad qaada
si,uusan ugu fududaan wax kasta oo lasoo dersa ama loo sheego waxayna
kusoo aroora sheekooyin badan oo soomaalidu caan ku tahay sida
sheekadan gaaban ,nin ayaa reerkiisa ka safray markaasuu mudo kadib
goor habeen bar ah kusoo noqday ,markuu gurigiisa oo aqal Somali ahaa
soo galay ayuu waxuu arkay xaaskiisii iyo nin kale oo gurigiisa wada
jiifa ,intuu aad u xanaaqay ayuu waxuu damcay inuu ninka labo u kala
gooyo isagoon wax ficil ah samayn ayuu soo xasuustay kelmadan hubsiimo
,, markaasuu is yiri war bal ninka waxuu yahay hubi ,kadibna wuu
hadlay oo waxuu yiri asalaamu calaykum warbal iska warama iyo waryaa
jooga ,mise islamarkiiba waa la kaa kacay oo ninkuba waa sodogiis oo
gabadha aabeheed ahaa ‘’Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun war
mar baad caawa sodogaa dili lahayd ‘’ ayuu ku talamay isagoo alle ku
xamdi naqaya in ceebtaas alle ka badbaadiyey ,taasina waa hubsiimada
si aad u noqoto hogaan wanaagsan iska hubi wax kasta oo kula soo
dersa
7-Murti maal waxaa la yidhaahdaa qofka murtida badan, sida maah
maahyada ,odhaah murtiyeedka kuwa sheekada araarta u noqda ,halhayska
iwm oo alle ku manaystay taasina waxay kaa kaabaysaa hadal soo
jeedinta ama khudbadaynta goobaha aduunka ama dalkaagaba waxuuna
hadalkaagu noqonayaa mid murti ku fadhiya oo macno weyn keena,murtina
lagala hadho.
8-Dadyaqaanimo way wanaagsan tahay hogaamiyuhu inuu dadkiisa uu
hogaanka u yahay kala yaqaano ,deriskiisa kala yaqaano iyo cid kasta
oo uu la macaamiloonayo intuusan hor tegin in uu aqoon u leeyahay si
uu uga feejignaado ama ugu fiirsado waxa kaga imaan kara, oo waatii
Somali hore u tidhi xog mooge xaajo waa dilaa ama nimaad taqaano yaa
tahay lama yidhaahdo .
Hadaba soomaaliyeey hore ayaan waxaan uga sheekeeyey ninkii boqorka u
ahaa dal ee dhintay ama xijaabtay ee afarta wiil dhalay kadibna xilka
ay isku qabsadeen afartii wiil oo garnaqsiga u tegey boqortooyadii
deriska la ahayd ee maalin kasta qof libaaxa loo xiri jiray ,hadana ku
guulaystay inay libaaxii dadka dhameeyey inay ka qabtaan dalkaasi oo
uu boqorkii dalkaasi waydiiyey afartii ilma boqor ninka talada
libaaxyada lagu diley lahaa ,oo ay u sheegeen ninkuu yahay ,kadibna uu
boqorkii dalkaasi uu yiri war xukunka ha isku qabsaninee hogaankiinu
waa kan talada libaaxyada lagu diley lahaa qarniyada badan dadkeena
dhameeyey ee kaas doorta ,taasna waxaad ka dheehan kartaa in
hogaamiyuhu uu badbaadin karo dal ama bulsho weyn .
Markaan sheekadayda iskusoo wada xooriyo waxaan kusoo geba gebayn
lahaa somaliyeey inaga oo dhan hogaamiyeyaal ma wada nihin ee aynu
garano oo doorano hogaamiye , inteena kalena aynu noqono kuwo hibada
alle ku manaystay ee uu qof kastaaba leeyahay dalkooda iyo dadkooda u
hibeeya si horumar aynu u gaadhno.
( Soomaaliya hanoolaato )
W/Q yaasiin maxamed cali ( Yaasiin Faytin)
Yaasiinfaytin@gmail.com