Ergooyinka shisheeyaha ah dabeecadda ay shirka ku joogaan guud ahaan wuxuu ahaa sidaas ann soo tilmaanay, waxaana si cad kugu muuqanaya in shirka ay wadeen dalal Afrikaan ah oo waliba ah ku wa deriska ah; Kenya oo marti gelisay, Itoobiya, Djibouti, iyo Uganda. Waxa soo raacana waxay ahaayeen Talyaaniga iyo Sweden. Haddii aan dalalkaas mid-mid u soo qaadno siyaasadoodii shirkaas waxaad arkaysaa Kenya waxay ciyaaraysa laba kaalin oo ah inuusan shirkaas fashilmin dannaheeda ah inaysan Soomaaliya ku soo noqon siday ahaan jirtayna ay ka shaqayso, oo fikirkii Moi, madax-weynihii hore ee Kenya ee ahaa in Soomaaliya loo dhiso dowlad liidata oo aan xoog badnayn waxay ahayd qayb muhiim oo ka mid ah mudnaanta Kenya.
Ma jirin mana jiri karin damac qabsasho oo Kenya ay qabtay in dalka Soomaaliya ay qabsato ama qayb ka mid ah qabsato, haddi ay tahay badd ama berriga laakiin fikradahaas waa kuwo mar dambe ka yimid dalal kale, oo marka hadda ay sheeganayso qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya waxaa arrintan watay oo qorshaheeda lahaa sida inta badan la xaqiijinayo dalal ay ugu horeyso dowladda Narway.
Waxaana jirta diplomatsiyiin fara badan ee dalka Kenya ka soo jeeda oo mararka qaarkood ay suuro gashay inaan sheekaysano ama aan wax weydiino ama iyagu wax ina weydiiyaan ay dhammaan ka sinnaayeen in Soomaaliya oo dowlad noqota ama nabadowda ay tahay fursad weyn oo ay dadkooda ay shaqo uga abuuri karaan maadaama uu dalkii oo dhan burburay kaalin walbana shaqaale aqoonteeda leh loo baahanyahay, waxy ku fekerayeen in ay suuro gal tahay in shacabka Kenya ay fursad shaqo oo weyn looga heli karo dib-u-dhiska Soomaaliya siiba dadka muruq maalka (Labour) ee ugu badan mujtamaca dalkaas.
Itoobiya, waxay iyadu ku shaqanaysay nidaam ay ku salaysay aar-goosad la xiriira colaadihii la dal ka dhexeeyay, waxayna aragtay dadkii ay cadaawadda ka dhexeysay oo iyagii intay is naceen gartii iyada u dhiibtay isla markaasna aan haysan cid kale oo u hiilinaysa! Itoobiya iyada laf ahaanteeda damac kama gelin qabsashada Soomaaliya, umana malaynayo cid kastaba dabada ha ka soo riixdee inay Soomaaliya qabsan karayso ugamana baqayo, laakiin waxaa jira sababo badan oo istaraatiijiyo ahaan ay ogtahay in dadka Soomaaliyeed colaadaha ka dhexeeya aawgood ay ka helayso sida; inay madaxda iyada maamusho oo waxay doonto ay ka fushato, waan nidaamka ay hadaba ku adeegato oo dalka oo dhan ay ku maamusho, iyo inay kala ilaaliso in is fahm uu dhex maro Soomaalida, waxaana intaas dheer in soo gelitaanka Soomaaliya ay Itoobiya ku dhiiriyeen dalalka raba inay Soomaaliya dhaqan ahaan ku qabsadaan oo hab nololeedkeeda kooda ku bedelaan *(Globalization).
Sida la wada ogyahay Itoobiya ka hor dhismihii dowladdii Mbagathi shaki ayeey ka qabtay inay gudaha sal-dhigyo ka samaysato laakiin waxaa arrintaas dhiiri geliyay dowladda Maraykanka oo aan iyada rabin inay aqoonsato dowladdii lagu soo dhisay Mbagathi sabab kastaba ha ugu wacnaatee, waxayna Itoobiya u adeegsatay inay la dagaallanto urukii Maxkammadaha markii laga adkaaday Ururkii La Dagaalanka Argagixisada ee uu isagu maal geliyay ee ka koobnaa Qabqablayaashii Muqdisho. Itoobiya waxay Kenya uga duwantahay haba yaraatee kama muuqato ama kuma talo gelin in Soomaaliya ay deris wanaag kula noolaato waxayna u egtahay qorshaheeda oo dhan haddii ay u suuroobayso inay Soomaaliya weligeed sidan ahaato haddii ay ku hayn karayso ilaa iyo heer labada dal iyadoo aan la dareemin ay mid noqdaan.
Djibouti, marka hore halkii laga filayay kama aysan bilaabin shaqadeeda, waxayna erggada ula dhaqantay sidii ay tahay dal shisheeye ah oo ula simman dalalka kale, xataa ma aysan iska dhigin deris aan dhalasho, dhiig iyo dhaqan wadaagno haddii ay noqon weyasay Djiouti-dii Soomaalida ahayd ee aan isku dadka ahayn ee guumeystuhu ina kala gooyay, hadana waxay noqon waysay deris innaga naxaya, waxayna isku koobtay inay ka qayb qaadato gorgortanka dane dhaqaale iyo mid siyaasadeed ee ergooyinkii shisheeyaha ahaa ay innaga lahaayeen, waxayna saaxiib sokeeye la noqotay oo taladeenii kula midowday cid kasta oo ay danteeda uga helayso wixii rabaa innaga ha inagu dhaceenee.
Waxay aad isugu hawshay oo taageero dheeri ah oo nin kasta oo shirka joogay uu si dhib yar u arki karo la garab istaagtay dowladdi Carte lagu soo dhisay sidii ay talada dalka ugu soo noqon, intii uu shirka socdayna waxay xusul-duub ugu jirta oo xooggeda isugu geysay sidii ay dowladdas u soo celin lahayd, inkasta oo aanan u malaynayn in Djibouti ay taas ka ahayd mid ay ku raadinaysay masalxo Soomaaliyeed. Waxaa xaqiiqa ah Djibouti in kaalintii aan ka filaynay aysan ka soo dhalaalin siday dootaba ha ka noqotee.
Uganda, runtii marka meelo badan laga fiiriyo waxay ahayd dowladda kaliya ee Afrikaanka ah ee hadaladeedu cad-cadaayeen mowqifkeeduna aan qarsan jirin, ergeda shirka ka joogta waxay dhammaan ahaayeen niman aad moodo inay ka dhab tahay in Soomaaliya dib u soo laabato, waxaan garanayaa dhowr jeer in ergeda Uganda ay soo jeediyeen in dowlad kasta oo ka mid ah ururka IGAD ay dhaqaalaha shirka ku baxaya wax ka bixiso oo layska dhaafo qaaraanka iyo yaboohsiga, waxayna isku qortay dowlad ahaan inay bishiiba iyada shirka ku bixinayso 100 kun oo dollar, waxay sidoo kale kale u qaybisay Kenya 100kun oo dollar, Itoobiya 100kun oo dollar, Suudaan 100 kun oo dollar, Eritrea 50kun oo dollar, iyo Djibouti 50kun oo dollar, ah waxay ahayd talo markii loo wada sacbiyay….laakiin waxaan ka xumahay in aan meeshii laga qaadin in kastoo ay Uganda muddo wadday dood arrintaas la xiriirta, isla markaasna aysan dowladna diidin dhaqaalihii lagu qoray….
Beri la soco…
*Globalization: waa hab ay isku dhex gelayaan oo lagu midaynayo dadka, shirkadaha, iyo dowladaha qaaruumaha kala duwan oo ay horseed ka yihiin ganacsiga iyo maali gashiga.Hawlahaas si aad ah bay hadda uga socdaan Soomaaliya, marka hore shirkadaa midoobaya, dhul baa la maal gashanayaa, guriyaa la dhisayaa, hadhowna waxaa ku xiga shirkadda aan idinka gadno, dhulka aan idinka gadno,oo adinka shaqaale ka noqda, waana waxyaabaha ay hadda wadaan hay’adaha World Bank, IMF-ta iyo….dalkiina, dadkiina, iyo gobanimmadiina yaan hortiina nin madaxnimo sheeganaya ku xaraashin!