Xeer-ilaaliyaha Maxkamada ciidamada Puntland oo faah-fahiyey dilka lagu xukumay 43 katirsanaa Al-shabaab

IMG_6946Garowe(Puntland Post) Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Puntland Cabdullaahi Xirsi Cilmi (Cali Barre) oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in 43- ka mid ah kooxda Al-Shabab lagu xukumay dil toogasho, kaddib markii ay maxkamadda horteeda ka qirteen inay kooxdaasi ka mid yihiin.

Ragga dilka toogasho lagu xukumay ayaa qayb ka ahaa 97,maxbuus oo ay ciidanka Puntland kusoo qabteen dagaaladii ka dhacay deegaanada xeebaha leh ee Nuugaal iyo Mudug oo ay kooxda Al-Shabab weerarka kusoo qaaday bilo ka hor.

Cali Barre wuxuu sheegay ragga la xukumay inuu u furan yahay racfaan isla markasna ay u qabanayaan qareeno difaaca.

Xukunka xubnahan Al-Shabab ka tirsan ayaa kusoo aadaya xilli madaxwayne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku hanjabay inay dili doonaan Al-Shababka ku xiran xabsiyada Puntland.

PUNTLAND POST