Jawaari oo Baydhabo ugu sii gogol xaaraaya Shirka Madasha wadashiga Qaran

Baydhabo(Puntland Post)-Wafdi Balaaran uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa  gaaray Maagaalada Baaydhabo ee Xarunta Gobalka Baay Wafdiga Gudoomiye Jawaari Waxaa halkaas Ku soo dhaweeye Qaar kamida Golaha wasiirada Maamulka koonfur Galbeed soomaaliya

Magaalada Baaydhabo Ayaa maalnimada Isniinta lagu wadaa in uu ka Furmo shirka Madasha wadatashiga Qaran ee Madaxda soomaalida

Amaanka Baaydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo wadooyinka Magalada lagu arkaayo Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah Hawgalka Midowga africa ee Amisom, Sido kale Waxaa wakhtiyada soo socda Baaydhabo lagu wadaa in ay gaaraan Madaxda Maamulada Dalka iyo kuwa Dawlada Federaalka ah.

Shirka Baydhabo ayaa daba jooga shirar xiriira oo ay Madaxda Soomaalidu beeryihii danbaba ku yeelanaayeen Magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST