Kooxda Al-shabaab ayaa markii ugu horaysay Bayaan kasoo saartay Hogaamiye Maxamed Duulyadaynn oo horaantii bishan lagu dilay duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose, waxayna tacsi ka dareen geerida Duulyadayn, Iyagoo ku tilmaamay hogaamiye 20 sano soo jihaadaayey.
Bayaanka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Maxamed Duulyadayn uu ku dhashay Magaalada Garisa sanadkii 1966, uuna heerkiisa Jaamacadeed kusoo qaatay Caasimada Dalka Sudan ee Khartuum sagaashamaadkii.
Al-shabaab ayaa tilmaantay in Ninkan uu kaalin muuqata ku lahaa dagaalo ay kooxdaasi la gashay Ciidamada Dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Ugu dambayn Bayaankan ayey Al-shabaab ku sheegtay inaysan u hakan doonin dagaalka ay kawado Soomaaliya hogaamiye kasta oo laga dilo.
PUNTLAND POST