Wasaradaha waxbarashada iyo Haweenka Puntland oo Garowe ku xusay maalinta carruurta Africa

Garowe(Puntland Post) Wasaaradda waxbarashada, tacliinta sare iyo barbaarinta ubadka  iyo wasaaradda haweenka iyo arrimaa qoyska ee dowladda Puntland ayaa maanta si wada jir ah Garowe ugu qabtay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caalamiga ah ee carruurta Afrika, taasoo sanad walba ku beegan 16 bisha June.

Xuskaan oo lagu qabtay xarunta jaamacadda bariga Afrika ee Garowe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxda labada wasaaraddood, wakiilo ka socday hay’addaha Unicef, Wolrd Vision, Care, carruur yaryar iyo mati sharaf kale, kuwaas oo madasha ka jeediyay qudbado ku saabsanaa muhiimada ilaalinta xuquuqda carruurta.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ka hadlayay xuskaan ayaa sheegay Puntland inay usoo jeedo horumarinta carruurta, si mustaqbalka loo helo jiil wanaagsan oo waxbartay, wuxuuna intaas ku daray inay labada wasaaraddooda si dhow ula socdaan xaaladaha carruurta iyo ka warqabkooda guud.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdiqaadir Xaaji Muumin ayaa ugu baaqday waalidiinta Sooomaaliyeed inay carruurtooda dhiiri galiyaan islamarkaana aysan u ciqaabin qaladaadka yaryarka ah, waxayna intaas ku dartay inay dhawaan sameyndoonaan daraasad lagu sameynayo sababaha keena inay carruurtu dayacmaan.

Maalinta carruurta Afrika ayaa xuskeedu wuxuu kasoo bilaabmay sanadkii 1991, si loo xasuusto xasuuqii weynaa ee sanadkii 1976 magaalada Suweto ee dalka koonfur Afrika loogu geystay carruur u mudaharaadayey inay helaan xaquuqdooda waxbarasho iyo inay wax ku bartaan luqadooda hooyo.
_DSC5722

_DSC5726

_DSC5740

_DSC5741

_DSC5746

_DSC5750

_DSC5759

_DSC5763

_DSC5765

_DSC5767

_DSC5768

_DSC5778

_DSC5781

_DSC5790

_DSC5794

_DSC5803

_DSC5807

_DSC5822

_DSC5833

_DSC5834

_DSC5837

_DSC5839

_DSC5846

_DSC5856

_DSC5875

_DSC5880

_DSC5884

_DSC5890

_DSC5906

_DSC5907

_DSC5908

_DSC5909

_DSC5910

_DSC5911

_DSC5912
PUNTLAND POST