Madaxwaynaha Puntland oo furay kalfadhiga 37-aad ee Baarlamaanka

Garowe(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta furay kalfadhiga 37-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana furitaankiisa ka qayb galay xubno ka socda golayaasha kala duwan ee dowladda, beesha caalamka. qurbajoog,saraakiil ciidan,culimo, isimo iyo marti sharaf kale.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna ku simaha Gudoomiyaha Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise oo ugu horeyntii hadlay ayaa sheegay kalfadhigan in looga hadli doono arrimo badan oo ay ka mid tahay la xisaabtanka xukumadda iyo waxyaabaha la hor keeno.

Agaasimaha qurbajoogta Puntland, Agaasime ku xigeenka Daladda PUNSAA iyo Gudoomiyaha Haweenka ayaa ka mid ahaa dadkii furitaanka kalfadhiga ka hadlay waxayna sheegeen in wax badan la qabtay intii u dhaxaysay kalfadhigan iyo kii ha horeeyay.

Madaxwayne Gaas oo jeediyay khudbad daqiiqado badan socotay ayaa ku nuux nuuxsaday waxyaabaha xukumaddiisa u qabsoomay muddada u dhaxaysa kalfadhigii hore iyo kalfadhigan, wuxuu sheegay in wax muuqda ay ka qabteen xagga ammaanka,caafimaadka,xanaanada xoolaha,waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka Puntland ee caalamka.

Arrimaha hanaanka doorashada 2016 ayuu ka hadlay, wuxuu ku tilmaamay tanaasulka Puntland u samaysay in la qaado hanaanka 4.5 ay timi ka dib markii Soomaaliya bad baadinteeda la eegay, balse waxa uu cadeeyay inaan hanaankaasi dib loogu laaban doonin.
0J1A6063

0J1A6066

0J1A6069

0J1A6080

0J1A6084

0J1A6097

0J1A6100

0J1A6103

0J1A6106

0J1A6107

0J1A6119

0J1A6129

0J1A6132

0J1A6134

0J1A6139

0J1A6144

0J1A6145

0J1A6148

0J1A6152

0J1A6156

0J1A6159

0J1A6163

0J1A6168

0J1A6173

0J1A6175

0J1A6182

0J1A6187

0J1A6191

0J1A6209

0J1A6233

0J1A6234

0J1A6238

0J1A6258

0J1A6261

0J1A6270

0J1A6274

0J1A6275

0J1A6290

0J1A6305

0J1A6310

0J1A6318

0J1A6332

0J1A6373

0J1A6383

0J1A6391

0J1A6399

0J1A6416
PUNTLAND POST