Kalafadhigii 37-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay

Garowe(Puntland Post)-Hoolka Baarlamaanka Dawlada Puntland waxaa maanta si rasmiya uga furmay kalafadhiga 37-aad ee Baarlamaanka Puntland, waxaana kala fadhigan kasoo qayb galay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona kala fadhigan, isagoo Baarlamaanka uga warbixinaaya talaabooyinkii ay Dawladiisu ku guulaystay mudadii uu Baarlamaanku fasaxa ku jiray iyo caqabadaha soo food saaray.

Inta kalafadhigan socdo waxaa la filayaa inay Baarlamaanku ku ansixiyaan qodobo Muhiima oo ay usoo gudbaysay Xukuumada Madaxweyne Gaas.

Goor dhow ayaan idiin soo gudbin doonaa Faah-faahinta iyo Sawirada furitaanka Baarlamaanka.

PUNTLAND POST