Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jubbaland oo ka qayb galay fadhiga Baarlamaanka Puntland

Garowe(Puntland Post) Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Jubbaland Mudane Aadan Khaliif oo maanta ka qayb  galay daahfurka Kalfadhiga 37-aad ee golaha wakiilada Dowladda Puntland ayaa hambalyo u diray xildhibaanada Puntland iyo ciidamada Difaacada.

Mudane Aadan ayaa tilmaamay in wax lagu farxo tahay sida ciidanka difaaca Puntland casharka u dhigeen firxadka Al-Shabaab ee kusoo duulay deegan xeebeed-yada Puntland.

Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Jubbaland waxaa uu sheegay in Puntland tahay midii shacabka Somaliyeed isku keeni lahayd, waxa kale uu sheegay Puntland inay tahay meeshii gobonimada Somalia laga yigleelay haatana ay sugayaa in shacabkii kala tagay la isagu soo celin lahaa.

PUNTLAND POST