Wasiirka Amniga Puntland oo shacabka ugu baaqay inay xogta shar-wadayaasha la wadaagaan

WASIIR-QARJAB
Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab)

Bosaso(Puntland Post) Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shalay kulan ammanka looga hadlayo la qaatey guddiga nabadgalyada Gobalka Beri ayaa shacabka u sheegay inay tahay qayb cibaadada ka mid ah in lasoo sheego xogaha kooxaha ammaanka iyo horumarka kasoo horjeeda.

Qarjab ayaa sidoo kale sheegay inay dadaalada ammaanka iyo sida howlgaladu u socdaan shacabka ku dareemi doonaan goobaha ay deggan yihiin balse aan warbaahinta laga sheegi karin, wuxuuna tilmaamay shirka amniga looga hadlayay in lagu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin xoojinta ammaanka bisha barakaysan ee Ramadaan iyo sida ay howluhu u socdaan.

Wasiirka Amniga ayaa dhanka kale tacsi u diray ehelka dadkii ku geeriyooday dhibaatooyinkii ay sanadkan sameeyeen wuxuu ugu yeeray sharwadayaal gaar ahaan wuxuu dhambaal tacsi ah ka diray dilkii ugu danbeeyay ee Gaalkacyo loogu gaystay AUN gudoomiyihii haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa wada howlgalo culus oo looga hortago khadar walba oo dhabka kooxda Al-Shabab bishan ka iman karta.

PUNTLAND POST