Donald Trump oo sheegay in Soomaalidii ugu badnayd ee Minnesota ay ku biirayaan Dacish

Donald Trump oo ah ninka sida aadka ah loogu saadilaanaayo inuu noqdo Murashaxa Doorashada Madaxtinimada Maraykanka u matali doona Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka hadlay toogashadii ay Dadka badan ku dhinteen ee ka dhacday Magaalada Orlando Gobalka Florida oo ay ku dhinteen 50 qof 53 kalena ku dhaawacmeen.

Mr Trump ayaa ku celiyey baaqiisii ku aadanaa in Muslimiinta laga mamnuuco inay yimaadaan Maraykanka maadama ay khatar ku yihiin Dalka Maraykanka ayuu yiri.

Ninkan ayaa tilmaamay in Soomaalidii ugu badnayd oo ku nool Gobalka Minnesota ay si xoogan u bilaabeen inay ku biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah sida Dacish, sidoo kale Muslimiinta kale ee uu Maraykanku magan-galyada siiyey ayuu sheegay inay dhibaatooyin badan oo Dad lagu laayey ka geysteen Gudaha Dalkaas.

Mr Trump ayaa shegay in xag jirnimada Islaamku kusii xoogaysanayso gudaha Maraykanka sidaa darteedna ay tahay in Maamulka Madaxweyne Obama ay wax ka badelaan hanaanka socdaalka Dalkaas, lana adkeeyo xuduudaha Dalka.

Haweynada sida ugu cad cad Murashaxnimada Xisbiga Dimuqraadiga Hillary Clinton oo ka jawaabtay hadalka kasoo yeeray Donald Trump waxay ku tilmaantay hadal xitaa caruurtu ka xishooto, waxayna sheegtay in hadalada ninkan Jamhuuriga ay yihiin kuwo nacayb ka buuxo.

PUNTLAND POST