Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa cambaareeyey toogashadii ka dhacday Baar ku yaal Magaalada Orlando ee Dalka Maraykanka, kaas oo uu fuliyey nin haysta dhalashada Maraykanka.
Raisul Wasaaraha ayaa tilmaamay inay Soomaaliya si aada uga xun tahay in Dad rayid ah macno daro lagu xasuuqo, wuxuuna sheegay inu si aada uga naxay falkan, uuna lamid yahay dhacdooyinka ay maalin walba wajahdo Soomaaliya.
Cumar Cabdirashiid ayaa Caalamka ugu baaqay in la iska kaashado dabar goysta kooxaha argagixsada oo fara ba’an ku haya guud ahaan Caalamka, Soomaliyana kamid tahay meelaha ugu daran.
Dhawaan ayey ahayd markii Nin hubaysan uu toogasho ku dilay 50 qof 53 kalena ku dhaawacay, markii uu gudaha u galay Baar ay ku caweeyaan raga isku galmdooda oo ku yaal Magaalada Orland Gobalka Florida ee Dalka Maraykanka.
PUNTLAND POST