Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- VIII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

kkj

Rajo xummada shirkii Mbagathi iyo wax kasta oo ka soo baxaya inaysan nuxur weyn yeelanayn marka laga soo tago hoggaamiyeyaashii is hayay oo iyagu la ogaa dalkaba inay af-duubteen, waxaa laga arki karayay dadka kale ee shirkaas yimid, ama magac ergo ha ku yimaadaan, ama marti qaad uu qabqable ka helay ha ku yimaadaan, ama isagoo si kale ku socda oo xil doon ah ha yimaado,  dadka noocaas ah 90% in badan waxay ku yimaadeen maantay kuu dagantahay ee talada dalka meel un ka soo gal, dan shakhsiyadeed, oo dhammaantood waxa lagu magaacaabi karay Qabqablayaashii-Yar-Yaraa, maxaa yeelay runtii waxay lahaayeen saamayn weyn, oo ugu yaraan qaarkood waxay sheekada wadaageen qaar ka mid ah qabqablayaasha.

Waxaa iyadana xusid mudan in dhallin-yaradii qurbaha ka timid qaarkood ama in badan oo ka mid ah aan u jeedinay inay ku midoobaan hal dallad oo ah Qurbo-Joogta Soomaaliyeed oo iyagoo aan qabqable la safnayn ama aan jago iyo xil raadinayn shirka u soo fariistaan saxitaan keliya si loo xakameeyo khilaafaadka qabqablayaasha, isla markaasna loo helo awood kale oo rayad ah (Civil) ah oo aan annaga samaysannay oo qaynuun ahaan ciyaari karta kaalin ah ilaalinta danta guud ee dalka, oo ka madax banaan siyaasadaha ku hardamay dalka si loo helo awood u dagaalamaysa xuquuqda shacabka iyo qaranimmada Soomaaliya, oo ka qayb qaadata talooyinka iyo hannaanka dib loogu soo dhisayo dowladda qaran ee la hadal hayay in lagu soo dhiso shirka Mbagathi.
Allow nimaan wax ogeyn ha cadaabin (Subxaanak)! Waaba dad meelaysanba, waxaan la yaabay inta qof oo dhalin yaradaas ka mid ah oo aan taladaas u geynay ama aan kulanay oo aan waliba  si cad ugu sheegnay in kaalintaas bannaantahay, lana doonayo inay isa soo qaabeeyaan oo urur qurbo-joog ahaan isu abaabulaan iyagoo dhallin yaradii dalka ah, hasa yeeshee markiiba waxaan ogaannay in badankood ay ku yimaadeen marti qaad qabqable, qaar kalana ay u yimaadeen inay isu rashaxaan xilka madax-weynenimmada Soomaaliya, kuwa kalna ay raadinayaan inay helaan xubin baarlamaan! Dad kii weynaa iyo kii yaraaba uu rumaysanyahay inay maanta u dagantahay, waxaana yaabka ugu daran ahaa in dhallintii qurbaha ka timid badankood nin kasta uu qabqable u adeegsaday inuu xiriir uga sameeyo safaaradda dalka uu ka yimid!..
Bal cajiibkan adigu arag, bal adigu malee maxaa innagu dhacay, waxaa furantay wadiiqo hor leh, waxaa kordhay dulaalladii, ergooyinkii shisheeyaha ahaa ee shirka fadhiyay iyo safiirrada dalalkooda ee Nairobi fadhigooda ahaa waxay heleen fursad hor leh oo suuro gal ka dhigaysa inay shirka u maamulaan siday doonaan, qurbo joogtii soo yaacdayna waxay horseedeen in ergooyinkii shisheeyaha ee shirka fadhiyay ay la kala saftaan qabqablayaashii, qaar badan oo iyaga mid ahna waxay u xuub siibteen basaasiin, kuwo kalana waxaa lagu soo daray ergedii shirka fadhisay, qaarkoodna qabqablayaashii bay gacan yarayaal u noqdeen.

Waxaa mar keliya bedelmay dabeecaddii shirka, Djibouti, Itoobiya, iyo Kenya oo iyagu ah dalalka deriska ah mar kasta waxaa lagu tuhumayay inay kooxaha shirka fadhiya si cad ula kala safanyihiin, waxayna u ekeyd in ergooyinka shirka fadhiyay ay taasi aysan ku cusbayn, laakiin waxaa soo siyaaday samaysanka xulufooyin cusub oo ay horsed ka yihiin Soomaali qurbaha ka timid oo nin kasta uu safaaraddii uu dalkeeda deggenyahay u adeegayo. Waxaa iyagana raggaas garab yaacay rag goloyaasha dowladdii ku-meel-gaarka ahayd jagooyin ka soo qabtay oo iyagana haystay dhalashada dalal shisheeye ah, waxaana bilowday in lagu tartamo sidii xiriir loola yeelan laha dowladaha shisheeye saamaynta ku leh arrimaha Soomaaliya siiba kuwa shirka fadhiya.

Arrintan waxay meesha ka saartay cabsi weyn oo ay markii hore qabeen qabqablasha oo ahayd in haddii ay shirka ka caroodaan la xirayo, ama ay noqonayaan dad meel cidla ah ku soo dhacay, waxaana isla markii bilowday shirar meelo mugdi ah lagu qabto oo habeenkii ergooyinka shisheeyaha ah ay si gaar ula shirayaan hadba midka ay dan gaar ah ka leeyihiin qabqalayaasha, waxaa iayagana dhinacooda awood dheeraad ah la soo baxay kooxdii oo hadba iyagu aad moodaysay in sida ay wax u wadaan ay tahay siyaabaha inay rabeen inay soo saaraan hoggaan cusub oo aan qabqablayaasha ka mid ahayn, taasina waxay ahayd mid ay si weyn indhaha ugu hayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee kooxaha hubaysan madaxda u ah, waxaana mar kasta jira xafiiltan aan muuqan oo labada dhinac ka dhexeeya, iyadoo kooxda Bulshada Rayadka quwadda ka dambaysa ee ay ku tiirsanyihiin ay ahayd ergooyinka shisheeyaha.

Beri la soco…

tubey