Siyaasiyiin ku sugan Garowe oo ku baaqay in lasoo afjaro dagaalka beeleedka Dharkayn-geenyo

Garowe(Puntland Post)-Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade iyo Wasiirkii hore ee Cadaalada Dawlada Puntland Ismaaciil Axmed Warsame oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa ku baaqay in lasoo afjaro dagaal beeleedka ka aloosan degaanka Dharkayn-geenyo ee Gobalka Sool.

Labadan Masuul ayaa beelaha halkaas ku dagaalamaya ku tilmaamay walaalo aysan mudnayn in ay xabad isla dhacaan waxayna ka codsadeen wax-garadka labadda Beelood inay u dhaga nuglaadaan baaqa nabadeed iyo dhex-dhexaadinta socota si looga hortago dhiig hor leh oo daata.

Dhawaan ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeyey labba Beelood oo walaalo ah uu ka dhacay degaanka Dharkayn-geenyo ayna ku dhinteen in ka badan 15 qof, intaa in ka badana ku dhaawacmeen, wuxuuna dagaalkaasi sidoo kale sababay barakac baahsan.

PUNTLAND POST