Rugta ganacsiga haweenka Soomaaliyeed oo lagu daah furay Magaalada Garowe

Garowe(Puntland Post)-Rugta Ganacsiga Haweenka Sooomaliyeed Oo Ah Xarun Ay Kamidaysan yihiin Haween Soomaaliyeed oo ku kala sugan Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe , Hargeysa , Nairobi, Jabuuti iyo Jigjiga xafiiskeeda Puntland ayaa maanta si rasmi ah loogu daah furay Magaalada Garowe ee Caasimada Dawlada Puntland.

Daah-furka rugta Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed waxaa kasoo qayb galay wasiiro ay kamid ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Dawlada Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulle, Wasiirka Haweenka Anisa Cabdiqaadir Xaaji Muumin wasiirka Qorshaynta Shire Xaaji Faarax, Gudoomiyaha Haweenka, haween tiro badan iyo weliba Dad weyne kale.

Inta Uu Kulanku Socday Haweenkii Ka Soo Qaybgalay Xarunta Lagu Daahfurayay Rugta Ganacsiga Haweenka Soomaliyeed Ayaa Dhamaantood Waxa ay iska Xog-wareysteen Faaiidooyinka Iyo Khasaaraha ay Ganacsiga Kala Kulmaan Haweenka Soomaliyeed.

Ruqiyo Cabdicasiis Maxamed oo Ka tirsan Madaxad Rugta Ganacsiga Haweenka Soomaliyeed Ayaa tilmaantay in rugta ganacsiga haweenka ay muhiimad weyn u leedahay haweenka Soomaaliyeed, isla markaana wax muuqda ka badeli doonta Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasarada Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Dowlada Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin Ayaa Sheegtay In Wasaarada Haweenka Puntland Diyaar u tahay Inay Rugta Ganacsiga Haweenka Soomaliyeed xafiiskooda Puntland kala Shaqeynayso Hormarinta Ganacsiga Haweenka Puntland.

Wasiirka Wasarada Ganacsiga Dowlada Puntland Cabdiwali Xirsi Cbadulle ( Indha Guran ) oo daahfuray xafiiska Rugta Ganacsiga Haweenka Soomaliyeed Xafiiskeeda Puntland Ayaa Sheegay Inuu Ku Faraxsanyahay In Puntland laga furo xafiis u Taagan hormarinta Ganacsiga haweenka Puntland wasaarada Ganacsigu Kala Shaqeynaso Arintaas Ay u Istaageen Gabdhaha Puntland .

Kulanka kan xiga ee ku saabsan hore u socodsiinta Rugta Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed, ayaa Ayaa Lagu qabanayaa Magaalada Jabuuti Ee Xarunta Wadanka (D.Jabuuti.)

IMG_0296

IMG_0133

IMG_0138(1)

IMG_0132

IMG_0156IMG_0198

 

IMG_0181

IMG_0127

IMG_0125

IMG_0118

IMG_0112

IMG_0110

IMG_0108

IMG_0221

PUNTLAND POST