Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- VII) Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Muuse Suudi
Muuse Suudi

Markii  aan kala tagnay ayaan bilaabay inaan si hor leh uga fekero sheekoyinkii ninka Diplomat-ka ah ina dhex maray, waxa ugu weyn ee aan ka cabsanayana waxay ahayd inaan wax sir ah oo dadkayga ay leeyihiin ama ceebahooda ah aan sheegay iyo in kale, waxaa tuhunsanaa inuu yahay nin aad u taba baran sida uu ii dhegaysanayo, sida fudud ee uu su’aalaha ii weydiinayo, sida aan looga garanayn  waxa uu dhibsaday iyo waxa uu jeclaystay, sida uu u yahay nin sahlan oo qof walba  ugu hoggaansanyahay,  waxaan aad uga fekeray sida fudud ee aan isu fahmnay aniga iyo asaga, waxaa walaac igu hayay in wax kasta  oo uu ii sheegay aysan macno weyn samaynayn oo aan ahay nin meel cidla ah taagan, waxaan qiimayn ku sameeyay weydiimihiisii  iyo war-celintaydii, waxaan ka fekeray wixii xog ahaa ee aan ka helay, waxayna isugu soo biyo shubteen Soomaaliya inaysan wax rajo ah lahayn!
 
Dib baan u bilaabay inaan qadaa-dhigo waxyaabihii uu igula hadlay, dhammaan erey kasta oo uu ii sheegay waxaan arkayay inuu run yahay ama suuro geli karo anigoo ku salaynaya waayo aragnimadii aan ka helnay colaadaha 12san jirsaday waqtigaas ee Soomaaliya, markaasaan hadana is diidsiiyaa anigoo sabab ka dhiganaya fiicnaan gaar ah inay dadkaygu (Soomaalida) leeyihiin, taasoo ahayd sida taariikhdeeda la dheehanayo ama anngaba laynagu soo koriyay; Soomaali lama adoonsan karo, lama gumaysan karo, lama qayaani karo, SHaraf ama Geeri!…. wali waa iyagii, waa gumeysi diidkii, laakiin way yara turunturoodeen, way bukoodeen mana jiro qof sidiisaba caafimaad ku waara ama bukaan ku waara, waa hubaal in dadka noocaas ah aysan halgankii ay soo mareen dhaxalkiisa ku ciyaarayn, inaysan yeelayn inuu ku soo dhammaado sida ay jecelyihiin ama ku fekerayaan dowladaha qaarkood.

Waxaan bilaabay inaan waxyaabihii aan ninka diplomat-ka ah ka sheekaysanay siyaabo aan toos ahayn uga waraysto qab-qablayaasha shirka yimid anigoo sheekada ugu daraya, waxaan sidoo kale dhex maray koox  gaar ah oo loogu yeeriyay Bulshada Rayadka (Civil Society) oo kaalintooda shirka ay ahayd runtii mid aad loogu jah wareero oo ay keeneen  International Partners Forum (IPF) iyagoo oggolaansho ka haysta Qabqablayaashii, caqliyaddooda marka aad fiiriso kooxdaas waxaad tuhmaysay inay yihiin camiil dana shisheeye shirka loo keenay, magaca ay huwanyihiinna uu yahay mid la sameeyay oo loogu talo galay meel kasta inay kaalin uga banaanaato, waxaana sidoo kale dhex qaaday mujtamac weynaha Soomaaliyeed ee Kenya joogay iyo asxaabtayda,  waxaan soo ogaaday in saaxiibkay Diplomat-ku uu ogyahay wax aanan annaga Soomaalida ah ogeyn oo ah qaabka loo isticmaalay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacday inuu yahay mid ay adagtahay in Soomaalidu ka dabaalato.

Waxaa iigu yaab badnaa siyaasiyiintii iyo dadkii dhammaan ka soo qayb galay shirka waxay wada tilmaamayeen wax qaabkiisu sida kan Jinka oo kale uu yahay, bal fiiri weydiintan aan weydiiyay nin siyaasi ah iyo wax uu ku jawaabay,”Marna ma is tiri adinkoo Soomaali ah xal baad gaari kartaan, markeese ugu dhoweydeen inaad heshiisaan?” wuxuu ku jawaabay “Run ahaantii marar badan baan aad waliba isugu daynay inaan heshiino innagoo Soomaali ah, waana samayn karnaa siday aniga ila tahay, laakiin waxaa yaab leh habeenkii baa qaarkeen la miraa oo wax kale loo sheegaa, caawaad war ku kala tegaysaan subaxdii markaad is tiraahdo arrinkii halkii ka sii wada baad u imaanaysaa qaarkeen oo meeshii shalay iyo meel ka fog taagan” sida ay u dhanyihiin waxay qabaan in laysku diro, “Aajnabi baa isku keen dira!” oraahdaas waxay ahayd mid laga wada simmanyahay tuhunkeeda, laakiin marka aad nin kasta oo siyaasiyiinta ka mid ah weydiiso  “Adigu waligaa ma aragtay cid kugu diraysa siyaasiyiinta kale?”  wuxuu kaa hor keenayaa xanaaq iyo inuu ku colaysto!..marka yaa wax dira?!…Yaase la diraa?!

Waa wax nin kasta oo innaga mid ah uu ogyahay in Soomaaliya ay ku hor kuftay cadowgeeda,  waxaana taas ka darnaa oo arrimaheeda sii adkeeyay kala qaybsanaanta mujtamaca ku dhacday, kala qaybsanaanta ay horseedka ka ahaayeen dad xil-kasnimadooda yartahay, dad  naxariista ay ummaddooda u hayaan ay yartahay, qabqablayaasha! Waxay sii kala fogeeyeen dadkii shacabka ahaa iyadoo uu nin kasta taas u qaatay inay dariiqa ugu fudud oo ay ku hanan karaan ama ku gaari karaan danahooda, taasina waxay fursad siisay dowladihii shisheeyaha ahaa oo helay boqolaal sabab oo ay ku soo galaan dalka.

Waxaana isla markiiba bilowday in xiriir sokeeye oo aan loo soo marin wax xeer ah uu dhex maro hoggaamiyeyaashii siyaasadda iyo dalalka deriska ah, waxaan albaabbadii dalka loo balaqay nooc kasta oo shisheeye ah; Qurbo-joog shisheeye wadata oo leh Sama-fal baan wadnaa, ganacsato-shisheeye wadata oo leh mashaariic horumarineed iyo maal gelin shisheeye baan wadnaa, boqolaal magac oo dhammaan ah kuwo caadi ahaan ay adeegsadaan basaasiinta aduunka!…. wax kastana waxaa ka daran hoggaamiyeyaasha shirka loo qabtay sida ay ugu furfuranyihiin ninka shisheeyaha ah.

Markii uu shirkii furmay isla mar ahaatiiba waxaa si dhib yar u soo if baxday in qabqable kasta ama hoggaamiye siyaasadeed kasta lagu tuhunsanyahay xiriir gaar oo uu la leeyahay dal shisheeye,  oo muxuu yahay xiriirkaas?  Waa xiriir uusan noociisa dunida ka jirin, nin keligiis ah oo dowlad shisheeyay wada hadal la gelaya, kaaga daranee qabqablayaasha kale sidaas raali ku yihiin maxaa yeelay iyaga laftooda ayeey u qorshaysantahay heshiis kaa la mid ah, waxaana intaas dheer inay wax laga iibsaday nin kasta wuu arkaa laakiin maxaa laga iibiyay ninna ma yaqaan? waxaana shirka soo buux dhaafshay dad u badan dhalin yaro oo dalalka horumaray ka yimid oo mid kasta uu wato Lap Top, mid kastana uu sheeganayo in dalka uu ka yimid  uu xiriir gaar ah yga samayniyo mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda, bal adigu qiyaas keligaa khatarta meeshaas Soomaaliya loo mareegay?! ….dad wada didaya oo dhammaan wata Lap Top, oo dhammaan degaya hotelo heerka shanta xiddigood ah?!….

Beri la soco…