Jubbaland oo ka shaqaynaysa xoojinta ammaanka xaduudaha Somalia iyo Kenya

2016515635989072019434018IMG_9148Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay BBC-da ayaa sheegay in Jubbland ay ka shaqeyn doonto siddii ammaan looga dhigi lahaa xuduudda Soomaaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca Jubbooyinka.

Wuxuu sheegay in Jubbalanta cusub oo uu ka waday dowladda cusub ee dhawaan uu dhisay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ay ka shaqeyn doonto siddii Shabaab looga xorreyn lahaa deegannada ay weli ka joogaan Jubbooyinka iyo Gedo ee u dhow xuduudda Kenya.

Jubbaland diyaar ma u tahay in ay qaabisho qaxootiga Soomaalida ee Kenya?

Mar la weydiiyay bal sidda ay ugu diyaargaroobeen in dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku nool xeryaha qaxootiga ee ka soo jeeda Jubbooyinka, wuxuu sheegay in ay diyaariyeen goobo la dajiyo dadkaas in kastoo uu yiri Jubbland weli itaal badan oo ay ku qaabisho dadkaas ma heyso.

“Waa dadka yagii oo dalkooda ku soo noqonaya, annaga dowlad ka ahaan waxaa jira guddiyo loo abuurayo oo hadda kaddib la dhisayo, guddi hey’adda QM iyo guddiga qaranka waa jiray oo halkan wakiilo ku lahaa oo heer fedaraal ah, marka waan ku qasbanahay soo dhaweyntooda sida ugu sharrafta badan iyo in aan ku soo dhaweeno wax kasta oo awoodeena ah” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Ma uu ka hadlaayay bal in xaaladda ee Soomaaliya ay saamixi karto in dib loo soo celiyo qaxootiga, wuxuu sheegay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland in Kenya iyo Soomaaliya ay ka warqabaan xaaladda ammaanka ee dalka oo meelo badan ay ka jirto ammaan xumo baahsan sidda uu hadalka u dhigay taasna aysan saamixi karin in dadkaas dib loo soo celiyo.

Wuxuu sheegay marka laga reebo meelaha ammaanka sidda goobaha ay Jubbaland gacanta ku heyso la keeni karo dadkaas balse weli goobo badan ay gacanta ku hayaan kooxaha nabad diidka.

Qaxootiga ma yihiin kuwa ammaan darrida qeyb ka ah

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa ka soo horjeestay wararka sheegaya in xeryaha qaxootiga Kenya ay gabbaad u yihiin kooxaha argagixisada, wuxuu sheegay in qof qaxooti ah oo la martigaliyey in uusan ammaan darro ka shaqeyn karin sidda uu yiri.

“Dadkan qaxooti weeye ammaan darrada qeyb ka ma ahan ee dhowr jeerna dowladda Kenya waa ay ku soo celcelisay in kastoo aan ogeyn xeryaha qaxootiga wax la abaabulo oo shir qool ayada ka dhan ah, laakin dhinaca xuduudaha dhibka ay ku hayaan dadkaas annagana waa ay nagu hayaan” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.