Hay’adda Wanaag farida iyo xumaan reebida Puntland oo dad masaakiin ah ku afurisey Garowe

Garowe(Puntland Post) Hay’adda Wanaag farida iyo xumaan reebida Puntland ayaa si hamsabi leh magalada Garowe uga wado,afurinta dadka masakiinta ah ee aan awoodin, kuwaasoo la isigu keeno goobo kala duwan bil kasta oo Ramadaan.
Barnaamijka ayaa billowday 1-dii bisha Ramadaan, waxaana galab kasta la afuriyaa dad gaaraya 460 qof, kuwaas oo lasiiyo afur dhamaystiran iyo casho.

Macalin Yaasiin Cabdullaahi oo ka tirsan Ha’yadda Al amru bil macruuf wanahyi canil Munkar ayaa sharaxaad ka bixiyey barnaamijka iyo sida uu ku socdo, wuxuuna sheegay in barnaamijka ku Afuri walaalkaaga Sooman saddex doolar loogu talo galay in lagu afuriyo dadka aan awoodin inay heleen afurka.

Dad 460 Qof ah ayuu tilmaamay in galab kasta afur loogu sameeyo Masjidyada Al-Raxma iyo Al-Xikma, sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad baahida la xishoonaya, islamarkaana loo asturo afurka.

Macalin Yaasiin ayaa tilmaamay inay jiraan dad aan tagi karin goobaha Afurka lagu bixinayo, oo isugu jira Waayeel, ama carruur agoon ah, sidaa darteedna loo baahan yahay in la qadariyo oo dadkaas la siiyo raashin cayriin, wuxuuna Muslimiinta ka codsaday inay walaalahooda barnaamijka ugu soo daraan raashin Cayrin.

Hadaba walaalaha danaynaya inay Alle ugu dhawaadaan afurinta walaalahooda sooman waxay ku soo aadin karaan lacagta ay la baxayaan bisha barkaysan ee Ramadaan.

Akoon.Golis ah . 401229 ama Sahal 7744524 ama 7724462
Ama akoon amal – 0778 dahabshiil- 1831
Wixii faahfaahinna oo arintaan ku saabsan waxaa laga xiriiri karaa guddiga hawsha oo kala ah
1. Sh. Yaasiin Cabdullahi Cali 7 724462
2. Sh. Jaamac Siciid 7 754585
3.Maxamed Xamari 7746674
4.Sh.Faarax Cabdi jaamac 7746375
5.Sh. Cabdi Xirsi cali bootaan 7746832
1-3-740x417

2-2-740x417

3-2-740x416

4-2-740x416

6-2-740x417

8-2-740x417

9-2-740x555

10-2-740x555

12-2-740x555

16-1-740x555

16-1-740x555

17-1-740x555
PUNTLAND POST