Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Cadaado

Cadaado(Puntland Post)-Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada 21-aad ee Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaad tabacsan Maamulka Galmudug ayaa saaka ka qarxay degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud, waxaana dagaalkaas la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa bilowday markii Dawlada Soomaaliya ay mushaar u qaybisay Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Cadaado, balse ay soo weerareen Ciidamada taabacsan Maamulka Galmudug oo ka cabanaaya mushaar la’aan.

Madaxda Galmudug iyo kuwa Dawlada Soomaaliya ayaa markii danbe dadaal u galay sidii loo joojin lahaa xabada, waxayna wararku shegayaan in ay dagaalkaas ku dhinteen ugu yaraan sadex qof iyo dhaawaca in ka badan 5 ruux.

Xaalada Cadaado ayaa iminka ah mid kacsan, waxaana Magaalada ka socda waan-waan nabadeed oo lagu dhex-dehxaadinaayo labada dhinac

PUNTLAND POST