Weerar uu geystay nin lagu Magacaabo Cumar Sadiiqi Matiin oo haysta dhalashada Dalka Maraykanka, asal ahaanse kasoo jeeda Dalka Afghanistan ayaa ka dhacay Baar ay ku caweeyaan raga isku galmooda oo ku yaal Magaalada Orlando, gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa waxaa ku dhintay 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen 53 kale.
Ninkan oo afduub ahaan u qabsaday Dad tiro badan oo Baarkaas ku jiray ayey markii danbe Boolisku xoog ku galeen iyagoo soo badbaadiyey Dadkii uu afduubka u haysta, Isagana toogasho ku diley.
Madaxweyne Obama ayaa u tacsiyeeyey Dadkii halkaas lagu laayey, wuxuuna toogashadan ku tilmaamay kii ugu xumaa taariikhda Maraykanka, wuxuuna ku tilmaamay mid ay ku dheehnayd nacayb iyo argagixisanimo.
Sarkaal u hadlay FBI-da Maraykan ayaa sheegay in weerarkan loo baari doono sdii mid argagixisanimo
PUNTLAND POST