Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgan kaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii- VI) W.Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Gurigii Shirkii mbagathi
Gurigii Shirkii mbagathi

Runtii weydiintiisa inaan ka jawaabo aad bay iigu adkayd, sababtuna waxay  ahayd  wuxuu i weydiiyay arrin uu isaga iigaga xog ogaalsanyahay, waliba aan garanayay inuu dad kale oo badan oo Soomaali ah soo weydiiyay, wax kasta oo aan sheegi lahaana waxay ila noqotay inay yihiin tijaabo mar hore uu  soo maray laakiin aniga igu cusub, cabbaar baan aamusay oo aan malaha ka fekeriyay  jawaabta  isaguna I kala dooransiinayay “Ma waxaad oran lahayd xoog ha lagu qabto, ha la heshiisiiyo qabqablayaasha oo aad ogtahay weligood inaysan heshiinayn, ha laysaga dhex baxo iyagaa aakhirka dan u heshiin  doonee sidii aad hadaba sheegaysay oo Soomaalida way heshiin kartaa, adigu xal sheeg waxaa igu balan ah haddii aad talo innagu siyaadiso inaan kaa qaado, sheeg maxaad is leedahay dadkaan waa lagu heshiisiin karaa? Waliba ka feker”

Way igu adkaatay inaan jawaab helo, waxay ila noqotay fursad wax ku ool ah in lay siiyay, aad bay iila weynaatay in lay yiri farriintaadaan qaadayaa, culays  aanan markii hore dareemayn baa i fuulay, hadana waxaa ii muuqday in muddo 12 sano arrimahan lagu soo jiray, Soomaalida lafteeda is arkaysay, waxna haba yaraatee laysku af garan waayay, waxaan garowsaday inay jiraan qaybo ka mid ah qabqablayaasha oo si cad u garab marsan danta guud toodana wata, ama dhaqaale raadis ha ahaadaan, ama kursi iyo xukun qasab ah ha rabaan, ama waxyaabo kale oo ay ogyihiin inaysan si sharci ah ku heli karin ha rabaan, oo haddii run ahaantii loo wada guntanyahay danta guud wax un laysku af garan lahaa dhibaataduna joogsan lahayd, waxaan ii muuqata talad dhiman inay tahay keliya nin inta kale ka adkaada oo xoog ku qabsada oo siduu rabay innagu maamula iyadana waxaan arkayay inaysan suuroobayn, waxaa ii soo baxday in talada oo dhan aysan gacanteena ku jirin, halka talo oo inoo banaanna ay tahay inaan ku qanacno  in Ilaahay innaga dhigay dad wax isu ah oo isku qasban oo aan wax isu oggolaano, laakiin iyadiinna inay suuro gasho waxay noqotay Calaacal Timo Ka Soo Baxeen!..

Waxaa aad ii dhibaysay in nin aan Soomaali ahayn aan marti ugu ahay aayihii dhammaa ee ummaddii Soomaaliyeed, waxa aan ninka kala sheekaysanayo waxaa diiddanaa naftayda, waxaa diidanaa Soomaalinimadayda, waxay ahaayeen wax ka soo hor jeeda xeerarkii laygu soo barbaariyay ee Qaranimadayda inaan la taaban karin ugu horeyso, waxaan dareemayay inaan sinnayn ninka aan hor fadhiyo, kelmad kasta oo aan leeyahay waxay iiga baahnayd inaan aad uga fiirsado xataa haddii ay sax tahay, wax baa iga maqnaa aniga oo aan dareemayay maqnaantooda, laakiin isagu wuxuu ahaa diplomat, nin dad iyo dowlad ay ka dambeeyaan.

Markaan in qadar aamusnaa oo aan fekeriyay baan iri  “waxaan u malaynayaa xalka waa sida aad hadda samayseen in dadkaan laysu keeno oo ay wada hadlaan, iyaagana laga rabaa inay wixii dantooda ila gartaan, laakiin waxaa khaldan ciddee wada hadalka u qabanaysa iyo halkee laysugu keenayaa?” intaas markaan iri baa anigoo aad moodo inaan carrabka kala baqay weedhii aanrabay hadana raaciyay “.. waxaan u malaynayaa marka aan sidaas leeyahay waad I fahmaysaa?” intuu  qoslay buu yiri ” wad, wad aad baan kuu fahmayaa”  anigoo wali shaki badan ka qaba heerka qeexitaanka jawaabtayda aan gaarsiin karo aadna isu dhiiri gelinaya ” waxaa weeye runta in laga leexdo ma aha, marka labadaas la saxo talooyinka kale waxay noqon karaan kuwa saxma, waxaana dareemayaa dadkaan aad Beesha Caalamka ku hayso in ka badan 90% inaysan wanaagga Soomaaliya rabbin shirarna aysan ahayn inay Soomaalida u qabtaan, laakiin annaga wax ahaanshaheenii baa meesha ka baxay nin kastana wuxuu is biday inuu wax inoo sheegi karo…”

Isagoo madaxa ruxaya oo wali i dhegaysanaya buu  saacadda fiiriyay, oo inta hadalkii iga dhex galay yiri “horta waan ka xumahay oo taladaada inaan dhegaysto waan jeclaa, in kastoo aysan ku jirin wax cusub, waayo nin kastoo adinka idin ka mid ah qab-weyni baa dilaysa talada meesha ay jirtana waxaad moodaa inaad si ula kac ah abbaarta uga leexanaysaan, …” intaas markuu yiri oo uu wali hadlayo baan hadalka ku qabsaday ” sidaas ma aha saaxiib khaladku waa is faham la’aantaas, haddii aad taladeena ina weydiisaan sidaan jecelnahay baan ka hadlaynaa, haddii kale hadaba nimankaan aad shirka isugu yeerteen shirkaan aad u qabanaysaan qaar badan oo ka mid ah baan rabin oo cabsi ku yimid, hadde cabsida ka faa’idaysta oo xoog wax inoogu dhisa talana ha ina weydiinina, sidaasna walaalo abaal innagu leh ku noqda.”

Qosol kale oo weyn baa ka soo baxay, oo inta kaarkiisii (Business Card) ii soo bixiyay yiri “mar dhow baan baxaynaa  oo waxaan rabnaa inaan ka qayb galno  shirka furitaankiisa magaalda Eldoret, laakiin kalmad baan ku leeyahay Soomaaliya waa runtaa oo dhibaato badan ayeey soo martay, laakiin amaysan kow joogin, waxaan sidaas kuu leeyahay, ee..im..ma aqaan siday u fekeraan qabqablayaasha iyo guud ahaanba Soomaalida, laakiin waxaan ogahay inaysan wali rumaysan dhibta gaartay baaxaddeeda,  arrinta iyo xaaladda ay Soomaaliya ku jirto waxaa is weydiintu taagantahay Soomaaliya ma jirtaa mise? Jiritaankiinii baa laga hadlayaa! Siyaasiyiintiina waxa ay qabaan ma cadda laakiin kama walaac ay ka qabaan xaaladda dalka uu ku suganyahay, anigu si shakhsi ah baan kuula hadlayaa, mana kugula hadlayo magaca diplomat-siyadda iyo guddi xaqiiqo raadinta… waxaan is leeyahay runtii waqti fiican baan wada qaadanay, kaarkaygii waad haysataa waxaad i soo wacdaa  maamlmaha aan la shaqaynayn waayo firaaqadaa iska yar waan jeclaan lahaa inaan marar kale wada fariisano””

Nimankaan siyaasiyiinta ahna waxay taagan yihiin meel ay ka hadlayaan siday madax u noqon lahaayeen, siday lacag u heli lahaayeen, intana wax jira ma aha, aad baan uga xumahay, dal haddii uusan jirin, oo shacab uusan jirin……runtii waxay ahayd xilli ugu filan qabqablayaasha inay gartaan khaladkooda, muddo 12 sano waa waqti looga baxo dugsi sare, laakiin iyaga waa aflixi waayeen, meeshii ay ka bilaabeen ayeey wali joogeen, colaad iyo in dalalka deriska hub laga soo baryo waa ka gudbi waayeen, shirarka loo qabanyo iyo hotelada seexinayo malaha waxay u arkayeen  dal-xiis iyo nasasho yar oo ay ka qaadanayaan dagaalladii iyo  holacii ay dalka ku shideen.

W.Q Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan