Markab lagu kiraystay magaca Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo lagu baaraayo Dalka Jabuuti

Muqdisho(Puntland Post)-Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa shaacisay in Markab lagu magacaabo MV-LIBERTY oo si been abuura loogu kiraystay Magaca Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir lagu baaraayo Jamhuuriyada Jabuuti, markii xildhibaanku dacwad cabasha ah u gudbiyey xeer ilaalinta Qaranka Soomaaliyeed.

Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation fadhigeeduna yahay Dalka Kenya ayaa Markabkan ku kiraysatay Magaca xildhibaanka iyagoo ku raray shixnad gargaara oo loo wadey Magaalada Xudayda ee Dalka Yemen, Ha’aydan ayaa  sheegatay in xildhibaanku asaasayaasheeeda kamid yahay.

Wakaalada SONNA oo sheegtay inay heshay nuqul kamida dacwada uu xildhibaan Faarax u gudbiyey xeer ilaalinta Qaranka ayaa sheegaysa inuu ku dacweeyey Hay’adaas inay si been abuur ah magaciisa u adeegsatay, uusana waxba kala socon kana mid ahayn asaasayasheeda, wuuuna sheegay in arimahan looga gol lahaa in magaciisa  lagu dilo.

Wararka ayaa intaa ku daraaya in markabkan laga soo celiyey Magaalada xudayda ee Dalka Yemen oo shixnad gaar-gaar bini’aadatinimo u wadey, wuxuuna dib ugu soo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti.

Faarax Cabdiqaadir ayaa ah nin saamayn badan ku leh Dawlada Federaalka ee Soomaaliya tan iyo markii talada Dalka loo doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ay saxiib dhow yihiin.

PUNTLAND POST