Dhakhaatiir Ajaanib ah oo howlo Qaliin iyo baaritaano caafimaad ka bilaabay Isbitaalka Qaran Garowe

Garowe(Puntland Post) Dhakhaatiir u dhashay dalalka Masar, Suuriya iyo Kenya ayaa howlo qaliin iyo baaritaano caafimaad ka bilaabay Isbitaalka Qaran ee ku yaala magalada Garowe xarunta Puntland.

Howlahan caafimaad ayaa waxaa ka faa’iidaystey shacabka Soomaaliyeed oo ka kala yimi deegaanada Puntland kuwaasoo qaarkood u sheegay Puntland Post inay soo dhaweyn iyo addeeg wanaagsan ka helaan xarunta Qaran ee Garowe.

Dhakhaatiirta timi Isbitaalka Qaran ayaa dadka ka daaweynaya xanuunada ku dhaca xameetida,cuna,sanka iyo burooyinka, waxaana xilligan booqanay kula kulanay dhowr qof oo qaliimo kala duwan lagu sameeyay oo qaarkood ay bogsadeen.

Mamulaha guud ee isbitaalka Qaran Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) ayaa sheegay in addeegyada ay shacabka u sameeyeen ee caafimaad horay loogu aadi jiray dalka dibadiisa iyadoo qarash badan lagu galayo, balse hadda ay dalka ugu keenaan Dhakhaatiirtii dibadda loo aadi jiray, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan addeegyadaan caafimaad oo tayo leh.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13
PUNTLAND POST