Ciidanka Dowladda hoose Gaalkacyo oo ka cabanaaya inaysan mushaarkoodii helin 8-bilood iyo duqa oo ka hadlay

Xigasho Sawirka: Jariibannews
Xigasho Sawirka: Jariibannews

Gaalkacyo(Puntland Post) Ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee magalada Gaalkacyo oo ka cabanaya inaysan muddo 8-bilood wax mushahar ah qaadan ayaa maanta qabsaday xarunta dowladda hoose, iyagoona diiday in shaqaalaha xaruntan ay gudaha galaan.

Ciidanku waxay sheegeen inaysan wax mushahar ah arag ku dhowaad muddo sanad ah, ayna u adkaysan waayeen inay sidaan kusii shaqeeyaan, Xildhibaan ka tirsan gollaha deegaanka Gaalkacyo oo la yiraahdo Maxamuud Jibriil ayaa sheegay inaan si sax ah loogu dhaqmin miisaaniyadii loo dajiyay degmadda, wuxuuna sheegay in sidoo kale dhaqaale faro badan uu degmada kasoo baxo balse si kale loo maamulo.

Guddiga fulinta ee dowladda hoose ayuu ku eedeeyay mushahar la’aanta ciidanka gadoodsan wuxuuna sheegay inay horay iga digeen arrimaha maanta ka taagan magalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale duqa degmada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Nugaal oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in arrinta dhacday la xaliyay ciidankana mushaharkooda loo raadinayo, wuxuuna sheegay arrintan inay ka danbeeyaan dad dano gaar ah leh.

Gadoodka ciidanka dowladda hoose ee Gaalkacyo ayaa imaanaya xilli mamulka gobalka iyo kan degmada dadaal ugu jiro sidii loo bixin lahaa mushaharka shaqalaha oo ay ciidanku ka mid yihiin.

Xildhibaan ka tirsan Gollaha deegaanka Gaalkacyo oo ka hadlaya mushahar la’aanta degmada ka jirta.

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa ka hadlay gadoodka ciidanka iyo mushahar la’aanta ay ka cabanayaan.

PUNTLAND POST