Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado inay maanta cod u qaadaan qodobo muhiima

Muqdisho(Puntland Post)-Baarlamaanka soomaaliya  ayaa Maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan xarunta ay ku shiraan ee Golaha shacabka soomaaliya ee magaalda muqdisho.

Xildhibaanada ayaa manta cod u qaadi doona  Qodobo Muhiim ah  oo uu kamid yahay Qodobka  10-naad ee Mudada Xil haynta Guddiga Xaduudaha iyo wax ka badal lagu sameynaayo Dastuurka KMG  soomaaliya.

Maxamed cumar maxamuud oo kamida xildhibaanda soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in kulanka manta ay yelan doonaan xildhibaanada lago doodi doono Qodobadaasi.

Xildhibaanda soomaaliya ayaa hada ku jira kalafadhigii sideedaad oo ah kalafadhigii ugu danbeeye Xildhibaanada hada jira.

Saciid xasan

Warbaahinta Puntland post

Muqdisho-so