Al-shabaab oo dilal gawrac iyo toogasho isugu jira ka fuliyey Gobalada Bay iyo Jubbada Dhexe

Kooxda Al-shabaab ayaa Lix nin oo ay Labbo u dhasheen Dalka Kenya, Afarna Soomaaliya waxay siyaabo kala duwan ugu dileen Gobalada Bay iyo Jubbada Dhexe, waxayna ragaas Al-shabaab ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Sirdoonada Dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Maraykanka.

Labada nin ee Kenyanka ah, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Cabdilmajiid Faraj oo 22 jir ahaa, kana soo jeeday magaalada Mombasa iyo Jeerad Mokeeye Umambiya oo 31 ahaa isna ka soo jeeday magaalada Eldore, wuxuuna qaadiga dacwada qaaday ee Al-shabaab sheegay in ragani ay basaasiin u ahaayeen laanta ladagaalanka argagixisada Kenaya ayna ku lug lahaayeen Culimo Islaama oo marar kala duwan lagu diley Dalka Kenya, ragaas ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taal degaanka Jilib ee Gobalka Jubadda Dhexe.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa tuulada Buulo Fulaay ee Gobalka Bay ku gawracday Nin lagu magacaabi jirey Maxamad Aadan Nuur Xasan oo ahaa 26 jir u dhashay Soomaaliya, kaasoo Al-shabaab kusoo eedaysay inuu fududeeyey Dilkii Hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Godane oo uu Maraykanku diley Bishii September 214.

Isla Tuulada Buulo Fulaay waxaa lagu diley sadex nin oo Soomali ah, laguna magacaabi jirey, Muxiyadiin Hiraabe Axmed oo 27 jir ahaa, Xuseen Nuunow Nagaaye oo 36 jir ahaa iyo Xasan Diiriye Cusmaan oo 42 jir ahaa, raggan waxa lagu eedeeyay in ay u shaqaynayeen sirdoonada Kenya iyo Soomaaliya, waxana lagu xukumay dil toogasho ah isla Buulo Fuulay ayaana lagu toogtay sida ay Al-Shabaab sheegeen.

Gawraca iyo Toogashada Al-shabaab ku fuliso Dad ay ku eedaysay inay yihiin basaasiin ayaan ku cusbayn Dalka Soomaaliya, Dhulka ay kooxdaasi xukunto waa fal caadi ka ah.

PUNTLAND POST