Wasiirka Ganacsiga Puntland oo Garowe ku daahfuray Hotel cusub

Garowe(Puntland Post) Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indho-guran) ayaa shalay galab magalada Garowe daahfuray hotel cusub oo loo baxshey Same Hotel and Restuarent kaasoo ku dhagan Dugsiga sare ee Al-Waaha.

Munaasibadda lagu daahfurayay waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socda dowladda Puntland, Culimo,waxgarad,aqoon yahan iyo dadwayne kale oo lagu marti qaaday.

Maxamed Xasan Warsame oo ah mulkiilaha Hotel Same ayaa sheegay hotelkan inuu ka duwan yahay hoteelada kale ee ka jira Caasimadda, wuxuu sheegay in laga heli karo cuntooyinka carabta qaar ka mid ah sida Syrian food, Arabian Food, Pizza iyo Sham Food, waxa kale uu sheegay in muuqaalka hotelka uu aad u wanaagsan yahay.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Puntland ayuu sheegay inay gacmo furan kusoo dhawaynayaan addeegyo kala duwanna ay ka heli doonaan.

Wasiirka Ganacsiga Cabdiweli Xirsi ayaa soo dhaweyay furitaanka Hotelka cusub, wuxuu goobta ka sheegay inay muhiim tahay waxyaabo kala duwan in lagu soo kordhiyo dalka si is-badalo kala duwan u yimaadaan.

Cuntooyinka kala duwan ee Hotelka lagu samayn doono waxaa samaynaya sida uu mamulka hotelka noo sheegay dad u dhashay waddanka Suuriya.

Dadkii munaasibadda lagu furayay Hotel Same kasoo qayb galay ayaa soo dhaweeyay hotelka cusub waxayna sheegeen inuu yahay mid ka duwan kuwa hadda wadanka ka jira.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

11

12
PUNTLAND POST