Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay dhismaha laanta socdaalka Puntland

Garowe(Puntland Post) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loo dhisayo laanta socdaalka Puntland.

Xaruntan oo dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday Dowladda Norwey isla markasna soo marsiiyay Hay’adda IOM ayaa laga dhisayaa dhabarka dambe xarunta wasaradda Caafimaadka Puntland oo aan sidaasi uga sii fogeyn madaxtooyadda.

Dhagax dhiga xarunta cusub waxaa goobjoog ahaa madaxwayne ku xigeenka, madaxa Hay’adda IOM ee Somalia iyo masuuliyiin ka socda wasaradda amniga iyo DDR.

Wasiir ku xigeenka Amniga iyo agaasimaha guud ee wasaradda oo hadlay ayaa sheegay dhismaha xaruntan inay ahmiyad gaar ah u lee dahay, ayna sidii loogu talo galay ugu howl gali doonaan.

Madaxa Hay’adda IOM Somalia Gerard Waite oo hadal kooban soo jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in laanta socdaalka Puntland dhisme u gaar ah loo dhiso kaasoo looga shaqayn doono mamulka ammaanka dalka, waxa kale uu sheegay dhaqaalahan inay ku deeqday dowladda Norwey.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay ayaa sheegay dhismahan inuu ka koobnaan doono labo dabaq, waxa kale uu sheegay inay qalabeyn doonto Hay’adda IOM, dowladda Norwey iyo hay’adda ayuu uga mahad celiyay dhismahan oo ay iska kaashadeen.

Shirkada dhisaysa gurigan oo la yiraahdo Sundus ayuu madaxwayne ku xigeenka Puntland kula dardaarmay inay dhismahan si wanaagsan oo qurux badan u dhisto maadama lagu aaminey mashruucaan dhismihiisa.

Eng.Camay ayaa sheegay laantan socdaalka inay isku xiri doonto Soomaaliya oo dhan, isla markasna wax badan ka tari doonto nabadgalyada dalka.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13
PUNTLAND POST