Madaxwayne Gaas oo ku baaqay inay heshiiyaan beelaha ku dagalamay Dharkayn-geenyo

0J1A5712Garowe(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Cali gaas ayaa Isimadda iyo waxgaradka ugu baaqay inay u guntadaan sidii loo damin lahaa colaada beelaha ee ka aloosan deegaanka Dharkayn-geenyo oo ka tirsan Gobalka Sool, wuxuu sheegay dowladdu inay dadaalkeeda xoojin doonto oo ku aadan sidi beelaha dagaalamay ay nabadda ku wada noolaan lahaayeen.

Gaas ayaa alle uga baryay beelaha dagaalamay iyagoo ka faa’iidaysanaya bisha Barakaysan ee Ramadaan ay heshiiyaan.

Colaada Dharkayn-geenyo ayaa ah mid dad badani ku dhinteen, waxaana sidoo kale baaq la mid ah kan madaxwaynaha horay u diray culimadda iyo isiamdda Puntland.

PUNTLAND POST