Madaxwaynaha Puntand oo tacsi ka diray geeridii ku timi gudoomiyihii haweenka Gobalka Mudug

horGarowe(Puntland Post) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtey magalada Garowe ayaa tacsi ka diray geeridii ku timi allaha u naxariisto gudoomiyihii Haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan oo xalay nin hubaysani uu ku dilay magalada Gaalkacyo.

Madaxwayne Gaas ayaa si kulul ula hadley kooxda Al-Shabab, wuxuna sheegay inay xabsiyadda ku jiraan xoogag al-Shabab ka tirsan oo haday dad dilaan iyagana labaatan laga dilayo waa sida uu sheegay.

Ma jirto ilaa iyo hada cid loosoo qabtay dilka Dhudi Yuusuf Aadan, waxaana jira dadaalo ay waddaan laamaha ammaanka iyo mamulka Gobalka Mudug.

Waa masuulkii labaad oo xil haya isla markasna sannadkaan dhexdiisa lagu dilo magalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

PUNTLAND POST