Dhudi Yuusuf Aadan oo aas qaran loogu sameeyay magalada Gaalkacyo

Gaalkacyo(Puntland Post) Allaha u naxariistee waxaa maanta magalada Gaalkacyo lagu aasay gudoomiyihii Haweenka Gobalka Mudug Dhudi Yuusuf Aadan oo shalay gacan ka xaq darani ku dishay irirada hore xaafada ay ka degan tahay magalada Gaalkacyo.

Aaskeeda waxaa ka qayb galay mamulka Gobalka Mudug, Kan degmada, culimo,iyo dadwayne aad u faro badan.

SHiikh Cabdiraxmaan Salaad oo ka mid ahaa dadkii aaska kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu dadaalo camalka wanaagsan. Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa shacabka gobalka Mudug ugu baaqay inay ka tashadaan sidii laga yeeli lahaa kooxaha maatada laynaya.

Madaxwaynaha Puntland ayaa maanta tacsi ka diray dilka Dhudi Yuusuf Aadan oo gacan ka xaqdari shalay ku dishay magalada Gaalkacyo, Gudoomiyaha Gobalka Mudug-na wuxuu Illaahay ka baryay in gacanta lagu dhigo, dadkii ka danbeeyay dilka Dhudi Yuusuf Aadan.

PUNTLNAD POST