Xassan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyata oo maanta mar kale gorfeynaaya xaalada Qaxootiga Dhadhaab

Nairobi(Muqdisho)-Iyadoo Maanta Mar kale lagu wado in Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya mar kale Ku kulmaan Madaxweynayaasha Kenya iyo soomaaliya si ay meel isku la dhigaan Heshiis dhaxal gal ah oo laga gaarayo  Xaalada Qaxootiga Soomaalida ee ku jira Xeryaha Qaxooiga ee Dhadhaab.

 
Kulan kaan madaxweynayaasha ayaa daba socda Kii maalnimadii shalay aheed Neirobi ku yeesheen madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo madaxweynaha Kenya uhuru kenyata oo aan qodobo qaar shalay leysku afgaran,  iyadoo manta lagu wado in ay madaxdu go’aan rasmi ah ka gaaraan xaalada Qaxootiga.

 
Warar hoose ay warbaahinta heleyso ayaa sheegaya in madaxda manta ay soo saari doonaan warmuritiyeed ku aadan Waxa ay ku heshiiyeen labadda dhinac.

 
Dhawaan aye aheed markii madaxweynaha soomaaliya xasan sheikh maxamuud uu booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay ku jiraan Qaxooti  ubadan soomaali.

 

saciid xasan

puntland psot
muqdisho-so