Wasaarada deegaanka Puntland, PHA iyo GIZ oo ka shiray Saamaynta Deegaanka ee dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garoowe

Garowe(Puntlad Post)Waxaa maanta xafiiska Wasiirka wasaarada Deegaanka ee dawlada Puntland ka dhacay shir looga hadlayey saamaynta deegaanka uu ku yeelanayo Mashruuca dib loogu dhisayo wadada u dhaxaysa Gaaalkacyo Iyo Garoowe waxaana shirkaas oo uu shir gudoominayey Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ka qaybgalay agaasimaha hay’adda wadooyinka Puntland Eng, Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab iyo madax ka socotay hay’adda hormarinta jarmalka u qaabilsan ee GIZ oo iyadu dhisaysa wada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garoowe.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegey inay soo dhawaynayaan mashuuraca lagu hagaajinayo wadada, waxaana uu intaas kudaray in wasaarada Deegaanku ay doonayso in laga digtoonaado in la dhibaateeyo deegaanka islamarkaasna la iilaaliyo meelaha biyuhu ka yimaadaan laamiga ayuu sheegey inay muhiim tahay In laamiga loo sameeyo meelihii biyuhu mari lahaayeen, biyo celino iyo sidii ay biyuhu uga gudbi lahaayeen laamiga iyadoo buu yiri laga fogaanayo in wadadu meelaha ay marto dhulka qaybtiisna ay biyo yeeshaan qaybna abaar noqoto iyadoo Laamigu kala xanibayo.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame dhanka kale wuxuu sheegey inay muhiim tahay in Mashruucu uu sidoo kale taageero siiyo dadka degen wadada iyo agaagaarkeeda inay ka faa’iidaystaan mashruuca isagoo sheegey in loo samayn karo qorshayaal ay dadku wadada uga qaybqaadanayaan iyadoo shaqooyinka xoogsiga ah laga samayn karo wadada kuwaas oo dadka loogu badali karo Raashin ama Lacag Kaash ah (Food For work, Cash for Work).

Agaasimaha Guud ee hay’adda wadooyinka Puntland (PHA) Eng, Maxamuud Cabdinuur Aadan Dalab iyo saraakiishay hay’adda GIZ ayaa dhankooda soo dhaweeyey qorshaha wasaarada Deegaanka ee ku saabsan in laga fakaro saamaynta ay wadadaasi ku yeelan karto deegaanka waxaana ay sheegeen inay wasaarada si buuxda ula shaqayn doonaan mudada Mashruucaasi socdo, GIZ ayaa dhankeeda sheegtay inay meelaha Mashruuca laga filinayo ay ka fakarayaan in laga sameeyo Biyo xireeno yaryar iyo meelo biyuhu ka gudbaan iyagoonan wax saamayn ah deegaanka ku yeelanayn, Shirka ayaa gabagabadiisu wasaarada deegaanku ay Gudoonsiisay GIZ iyo PHA Map-ka Puntland gaar ahaana meelaha biyuhu maraan iyo meelaha ay ka leexdaan, waxaana ay dhinacyadu isku afgarteen inay si joogta ah uga wada shaqeeyaan howlahaas.
1

2

5

7
PUNTLAND POST