Tartanka kubadda Cagta ee Bisha Ramadan oo ka furmay garoonka Classic stadium Garowe

Garowe(Puntland Post) Tartanka kubadda cagta bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa xalay ka bilowday garoonka kubadda cagta iyo jir dhiska ee Classic stadium and Fitnes Center magalada Garowe.

Tartankan oo lagu marti qaaday furitaankiisa mamulka gobalka Nugaal, kan Garowe, wasiiro, khuburo Sports- iyo saraakiil ciidan ayaa sannadkan waxaa loo qabtay naadiyada heerka koowaad, heerka labaad iyo dhalinyaradda cuslaatey, waxaana uu noqonayaa mid ka xiiso baddan kuwii horay loo qabtay.

Mulkiilaha Classic Stadium and Fitness Center Axmed Jaamac Jowle ayaa sheegay ahmiyadda loo qabtay koobkan oo saddex qaybood ka kooban inay tahay mid lagu dhiirigalinayo dhalinyaradda ciyaaraha kala duwan jecel, wuxuuna cadeeyay inay mar walba xaruntiisa u taagan tahay horumarinta ciyaaraha iyo dhiiri galinta dhalinta da’da yar ee soo koraya.

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cumar Cabdilaahi Faraweyne iyo agaasimaha ciyaaraha Puntland Axmed Cadalla Tigaana ayaa qiray in koobabka noocaan oo kale ah qayb ka tahay kor u qaadida xirfadda ciyaaraha,waxa kale ay sheegeen haddii sidaan oo kale loosii xoojiyo ciyaaraha iney laga baaqsan doono falalka tahriibka iyo dhibaatooyinka kale.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin ayaa boggaadiyay tartankan, wuxuu sheegay ujeedkiisa ugu weyn inay tahay in la helo bisha Barakaysan ee Ramadaan goobo dhalinyaradu iskugu timaado korna loogu qaadayo xirfadooda, wuxuu mamulka xaruntan ku ammaanay sida hufan ee ay mar walba u garab taagan yihiin xirfadaha ciyaraha iyo jir dhiska.

Ma ahan markii ugu horaysay ee garoonka kubadda cagta Classic stadium lagu qabto koobab noocaan oo kale ah, sanad kasta bisha Ramadaan ayaa la qabtaa horyaalo kala duwan kuwaasoo looga dan lee yahay in lagu weyneeyo fadliga bisha Ramadaan.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22
1
PUNTLAND POST