Garowe(Puntland Post)-Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Nugaal Gaashanle dhexe Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay inay si aada u xoojiyeen Amaanka Gobalka Nugaal, siiba kan Caasimada Garowe oo ay hameenadii danbe ka socdeen hawl-galo xoogan oo lagu adkaynaayo Amaanka Caasimada.
Taliyaha ayaa tilmaamay in hawl-galada ka socda Gobalka Nugaal ay qayb ka yihiin kuwo xiriira oo ka socda Guud ahaan Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, si looga hortago falal ka dhana amaanka oo ka dhaca Dalka inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Taliye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ugu baaqay Dadweynaha Gobalka inay qayb ka qaataan xaqiijinta nabad galyada, siina dar-dar geliyaan talaabooyinkii hore ee ay awalba ku caawin jireen laamaha Amaanka, wuxuuna ka codsaday inay Ciidamada kusoo wargeiyaan cid kasta oo ay arimo amaan daro uga shakiyaan.
Hameenadii ugu danbeeyey ayaa Magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemaayey baaritaano balaaran oo ay laamaha Amaanku ku samaynayaan Gadiidka kala duwan iyo Dadweynaha xiliyada hameenkii, Iyadoo ciidamo xoogana wadooyinka lasoo dhigo.
PUNTLAND POST